Xidhlibaax,(CN) isniin 25ka January, 2016, Qaarka mid ah masuuliyiinta gobolka nogob,masuuliyiinta degmada dhuxun iyo enjineero heer deegaan ah uu horkacayay hogaanka nabadgalyada maamulka Gobolka Nogob mudane Guuleed Maxamed ayaa booqday mashruuca biyo xidheenka laga hirgalinayo tuulada xidhlibaax ee degmada dhuxun ee Gobolka Nogob.
Masuuliyiintan ayaa u kuurgalay geedi socodka shaqo ee mashruucan biyo xidheenka, oo ah mashaariicaha horumarineed ee laga hirgalinayo sanadkan degmada dhuxun gaar ahaan tuulada xidhlibaax.
Hogaanka nabadgalyada gobolka Nogob mudane Guuleed Maxamed oo kula hadlayay warbaahinta deegaanka goobta laga hirgalinayo biyo xidheenkan ayaa shegay in mashruucani ka mid yahay mashaariicaha horumarineed ee gobolka iyo deegaankaba ay xukuumada DDSI ka hirgalinayso, wuxuuna sharax dheerka bixiyay ahmiyada iyo faa’iidooyinka uu u leeyahay bulshada ku dhaqan degmada dhuxun,isaga oo sheegay in uu hadda biyo xidheenkani meel fiican marayo laguna soo afmeeridoono mudo aad u kooban.
Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada dhuxun ayaa soo dhaweeyay mashaariican biyo xidheenka kuwaasi oo siwayn ugu mahad naqay maamulada gobolka, degmada iyo xukuumada heer deegaan ee sida hagar la aan-taha uga hirgalisay degmada mashaariicaha horumarineed ee wax ka qabanaya kor u qaadida nolosha bulshada.