Kor Uqaadida Aqoonta Luuqada Hooyo

Jigjiga(CN) Arbaco 27 January 2016, Tababar ujeedadiisu tahay kobcinta aqoonta Luuqada Afka-Soomaaliga islamarkaana loo hayay macalimiinta Gobalka Faafan ayaa si rasmi ah uga bilawday kuliyada Maaraynta iyo Adeegga Shacabka DDSI.

Tababarkan oo uu soo agaasimay  Xafiiska Waxbarashada DDSI ayaa waxaa  shabakada wararka ee cakaara uga waramay Gadh/ W/ Geedi socodka Hormarinta Macalimiint & Hogaaminta Waxbarashada Mudane Farxaan Cabdi Makhtal waxa uuna sheegay in tababarkan loo qabtay macalimiinta luuqada afka soomaaliga oo tiradodu dhantahay 471 islamarkaana ka kala yimid sideeda Dagmo ee uu ka koobanyahay Gobalka Faafan. waxa uuna masuulku intaa kudaray in ujeedada tababarkani yahay sidii kor loogu qaadi lahaa heerka aqoonta baris barasho ee macalimiinta luuqada Afka soomaaliga.

Sidookale waxa uu masuulku hadalkiisii ku gabagabeeyay in tababarkani uu maanta kabilowday dhamaan sagaalka gobal  ee DDSI  islamarkaana lagu tababarayo macalimiin tiradoodu kor udhaafayso 2406 oo ah macalimiinta luuqada Afka hooyo (Af-soomaali).

 Ugu danbayna qaar kamida macalimiinta tababarka loohayay ayaa dhankooda  ka hadlay ayaa sheegay in tababarkan uu sihabsami leh ugu socdo islamarkaana ay ku baranayaan casharo faa iido badan uleh, sidookalana waxay tilmaameen inay si daacada uga sii faa iidaynayaan goobihii iyo dugsiyadii ay macalimiinta ka ahaayeen.