Hay’ada WHO Oo DDSI u Qaadatay Hormuudka La Dagaalanka iyo Cidhib tirka Cudurka Polio.

Jijiga,(CN) sabti, 30, January,2016, Hayada caafimaadka aduunka ee marka magaceeda afka qalaad la soo gaabiyo loo yaqaano (WHO) ayaa wadankeena itoobiya  u soo qaadatay hormuud ku dayasha mudan dadaalka balaadhan iyo tabaha cilmiyaysan ee uu kula dagaalamay  cidhibtirka  cudurka dabaysha(Polio) oo wadanka labadii sano ee ugu danbeeyey laga cidhibtiray lana xaqiijiyay in aan lagu arag labadaasi sano dalka.

 

Haddaba hay’adan HWO, ayaa  markay daraasaad ku samaysay deegaanada dalkeena itoobiya, deegaanka soomalida itoobiya u soo qaadatay tusaale hormuudnimo islamarkaana hadda ka samaysay dhukumantiri filim DDSI  gaar  ahaan gobolka Doolo iyada oo kaashanaysa xafiiska caafimaadka DDSI iyo xafiiska xidhiidhka arimaha dawlada dhaqanka iyo dalxiiska DDSI.  Waxayna dukumantari filimkan   diirada ku saaraysay tabihii loo  adeegsaday cidhibtirka cudurkani polio. Ujeedada  dukumantari filimkan ayaa  ah   in  lagu  soo bandhigidoono shirwaynaha wasaarada  caafimaadka wadamada Africa oo  ka dhicidoona 24ka February  2016 caasimada dalkeena itoobiya ee Addis Ababa.

Haddaba ku simaha wasiirka caafimaadka DDSI ahna xidhiidhiyaha  kor u qaadida caafimaadka iyo fayo dhawrka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdishakuur Cabdilaahi Axmed oo xafiiska kula hadlayay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in uu siwayn ugu faraxsan in deegaankeena tusaale ku dayasha mudan loo qaato islamarkaana filimka lagu soo bandhigayo shirwaynaha wadamada Africa uu yahay kii laga sameeyay deegaankeena. wuxuuna sheegay in qorshahan guulaha lagu gaadhay ka mid tahay ahmiyada balaadhan ee ay hogaaminta xukuumada DDSI,qaybaha kala duwan ee shacabka DDSI, sida odayaasha deegaanka iyo  culimo awdiinka  siisay cidhib tirka cudurkan dabaysha (Polio).

Waxaa kale oo uu sheegay masuulku  in qaabkii lagu cidhibtiray cudurkan ka mid ahaayeen iyada oo ay goobaha fog fog ee aan wadooyinka lahayn  islamarkaana aan gaadhigu gali Karin lagu gaadhsiiyay qalabkan adeega talaalka Awrta si looga talaalo caruurta ku nool goobahaasi taasi  ay ahayd  farsamooyinkii iyo xeeladihii ay keentay la tashiga shacabka.  

Ugu danbayntii waxa masuulku u mahad celiyay cidkasta oo gacan ka gaysatay cidhitirka cudurka dabaysha  oo ay ka mid tahay hogaaminta sare ee xukuumada DDSI shacabka DDSI  hay’adah bahwadaagta la ah xafiiska caafimaadka DDSI sida WHO, OWDA iyo  UNIFECE.