Ramadan Kariim 



 

      

Shir Lagu Qiimaynayay Adeeg Bixinta Caafimaadka Oo La Soo Xidhay.

Jijiga(CN) Axad,7da February, 2016, Xafiiska caafimaadka DDSI ayaa  u soo xidhay shirkii qiimaynta  waxqabadkii 6 bilood ee  cusbitaalada iyo  xarumaha caafimaadka degmooyinka  uuna ka hawlgalin mashruuca DRS ku.

Shirkan qiimaynta ah oo mudo 4 maalmood ah ka  socday xarunta deegaanka ayaa waxaa soo xidhitaankiisii ka soo qaybgalay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid Maxamed oo sheegay  mudadii ay qiimayntu  socotay in diirada lagu saarayay waxqabadkii 6 bilood ee dhinaca tayaynta adeegyada caafimaadka . wuxuna ka warbixiyay  wasiirku in xafiiska caafimaadka DDSI iyo xukuumadda DDSI mudnaan siisay dardar gelinta iyo tayaynta adeegyadda caafimaadka iyadoo la hirgelinayo qorshayaal kala duwan oo lagu xaqiijiyo tayaynta iyo dardargelinta adeegyadda caafimaadka

Gabagabadii shirkan qiimaynta ee lagu eegayay waxqabadkii cusbitaalada iyo xarumaha caafimaadka  ayaa  laysla qaatay  sidii loo sii dardargalinlahaa adeegyada caafimaadka oo tayaysan  iyada oo  shahaadooyin sharaf abaalmarin ah la gudoonsiiyay shan xarun caafimaad iyo labo cusbitaal kuwaasi oo hormuud ku noqday dhinaca adeeg bixina caafimaadka oo tayaysan  iyo soo gudbinta warbixinta caafimaadka bilaha ah (HMIS)