Ramadan Kariim 



 

      

Mw Kuxigeenka DDSI Oo Xadhiga Ka Jaray Dugsiyo Cusub

Qabridahar(CN) Khamiis 11 February 2016 Madaxwayne Ku xigeenka ahna Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka Dhismaha iyo Warshadaha DDSI Mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar  oo ay wehelinayaan  masuuliyiin heer deegaan ah, Maamulka Gobolka Qoraxay  iyo Maamulka Magaalada Qabridahar ayaa maanta xadhiga ka jaray Sadex Iskuul oo cusub oo laga dhisay M.M Qabridahar.

Iskuuladan cusub ee la dhisay ayaa ah kuwo lagu soo biiriyay Dugsiyada Hoose Dhexe,ee Maamulka Magaalada Qabridahar waxayna ka mid yihiin mashaariicihii horumarineed ee sanadkan 2008TI  u qorshaysnaa in laga hirgaliyo M.M Qabridahar.

Hadaba Mw Kuxigeenka oo kahadlay xadhig ka jarkii dugsiyadan ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanayahay dhamaystirka dugsiyadan islamarkaana ay qayb wayn ka qaadanayaan dhanka balaadhinta dugsiyada waxbarashada iyo waliba dhanka baris barasho ee dugsiyada dhaxe ee Maagalada Qabridahar.