Ramadan Kariim 



 

      

Xuskii Afraad Ee Ciidanka Qaranka Itoobiya

Huurso( Cakaaranews) Axad 14 Feb 2016, Xuskii Ciidanka Qaranka Difaaca Dalka oo sanad walba laga xuso dalka meelo kaladuwan (6) Lixda bisha Yakatiit ayaa sidookale lagu xusay xarunta labaad ee tababarada Ciidanka Difaaaca ee Centarka Huurso ee Dagmada Erar.  

Xuskan ayaa waxaa kasoo qaybgalay qaybo kamida saraakiisha ciidanka difaaca qaranka, dhaamaan kabaneega maamulka Degmada Erar oo u horeeyo gudoomiyaha degmada erer mudane muxumed maxamud cismaan, madaxa wakaalada Dakhliga Degmada Erer mudane xasan ismaaciil, bulshada qaybaheeda kaladuwan iyo waliba Qaarkamida Maamulka Dagmooyinka Oromiya sida Degmada Meta.

Hadaba ugu horayn waxaa Furitaankii xuskan kahadlay Gudoomiyaha Dagmada Erar mudane Muxumed Maxamuud Cismaan oo sheegay in xuskani uu yahay mid mihiim u ah dhamaan dalkeena odhan ciidanka qarankuna yahay cudud xoogleh oon ku faano iyagoo nabadgalyada dalkeena sugay una gudbay inay caawiyaan wadamada dariskeena ah ee dhibaataysan,

Sidookale waxaa kahadalay Gudoomiyaha Dagmada Meta mudane Cukaash oo isna amaan balaashan usoo jeediyay ciidanka qaranka dalkeena inay yihiin lafdhabarta Dalkeena Itoopiya.

Ugu danbayna  waxaa xidhitaankii shirka ka hadalay kusimaha taliyaha xerada tababarada ciidanka qaranka ee huurso mudane korneel Yatabaarak oo si qota dheer uga hadlay munaasabada aadna u dhiirigalay ciidanka inay dadaalkoda halkaa kasiiwadaan sidoo kale waxa iyana maanta ka qalinjabiyay xerada tababarada ciidanka qaranka ee huurso dufcadii 25 ee ciidanaka qaranka oo ka qaybqaatay munasabada, iyadadoo gabagadii xuska lagu bixiyay darajooyin kala duwan oo ka koobnaa shaalaqe ilaa alifle.