Ramadan Kariim 



 

      

Jawaabaha Su’aalihii ISKUDAY

Jigjiga (Cakaaranews) Axad 14 Feb 2016 Waxaan akhristayaasha sharaftaleh wargalinaynaa in ay akhristaan jawaabaha su’aalihii  kabaxay barnaamijka ISKUDAY ee shabakada cakaaranews habeenkii Arbacada ahayd ee 10kii Bishan February 2016.

Waxaan Mahad celin usoo jeedinaynaa dhamaan akhristayaasha sharaftaleh ee shabakada cakaaranews.com waxaana la socodsiinaynaa in aan diyaar u nahay inaan markasta qaadanayno talo bixinada fiican ee ay noo soojeediyaan akhristayaashu.

F.G waxaan sigaara ugu mahadcelinaynaa dhaman akhristayashii iskudayay islamarkaana kajawaabay su’aalaha qaarkood, maadaama shuruudaha shilimaadku ahaa in laga wada jawaabo dhamaan su;aalaha, waxaan urajaynaynaa inay kajawaabi doonaan su aalaha barnaamijyada danbe

Waana sidan Jawaabuhu:-

1 xiligii uu deegaanku 52 da dagmo ahaa 713 qabalee/tuulo ayuu ahaa, maantana waa 1224 qabalee tuulo/center

2.Gobalka Labo jeer oo isku xigta koobka kubada cagta ku guulaysatay waa Gobalka Afdheer, magaca feedhyahanka uga tartama heer dal waa Maxamed Yuusuf Nuur magaca oradyahankuna waa Khadar Bashiir Yuusuf

3. Waxaa labadalay heesta calanka iyo astaanta taariikhdu markay ahayd 2001 da bishii labaad ilaa tii sadexaad

4. Shirwaynihii koobaad  ee ciidanka gaar ka ah waxuu kadhacay Magaalada Jigjiga Waxuuna ahaa kii darajada lagu gu doonsiinayay ciidanka gaarka ah.

5. socdaalkii ugu dheeraa ee MW CMC waa Socdaalkii Nolol iyo Rajo Rumays gobaladu lamarayna waa Nogob,jarar qoraxay, shabeele afdheer iyo liibaan

6. Asxaabigii dhimashadiisha carshiigu gariiray waxa uu ahaa Sacad Binu Mucaad

Hadaba waxaan macaamiisha  sharaftaleh ee akhrista Shabakada Cakaaranews inay barnaamijkan SKUDAY kalasocdaan habeenkasta oo arbaco ah islamarkaana ay jawaabahooda iyo talobixinadooda noogu soodirikaraan ciwaanadan:-- www.facebook.com/cakaaranewsface ama E-mailkan This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. .