CIID MUBAARAK



 

      

Diyaar Garowgii Martigalinta Xuska 6aad Ee todobaadka dhaqanka dalka oo la soo gabagabeeyay.

Jijiga( Cakaaranews ) Arbaca 17ka, February, 2016,  Wasiir ku xigeenka  dhaqanka iyo dalxiiska DDSI  mudane Baashe Cabdi Ismaaciil  ayaa maanta shir jaraayid ugu qabtay xafiiskiisa  warbaahinta deegaanka iyo tan dalkaba.waxayna ahayd ujeedada shirkaasi jaraayid in uu ka warbixiyo xuska 6aad ee todobaadka dhaqanka  ee qoomiyadaah iyo shucuubta dalkeena itoobiya  oo bishan aan ku jiro ee Yekatiit  15 keeda 2008TI  lagu xusayo caasimda deegaanka ee jigjiga.

Wuxuuna sheegay wasiir ku xigeenku in guud ahaanba si meeqaam sare ah loo soo gabagabeeyay u diyaar garowgii xuska todobaadka dhaqanka qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya ee lagu xusayo caasimada deegaanka ee  jijiga taasi oo uu tilmaamay in bilihii ugu danbeeyay lagu jiray diyaarinta nidaamkii loo martigalin lahaa qoomiyadaha iyo shucuubaha dalkeena itoobiya, diyaariyay goobihii lagu soo bandhigilahaa  agabka dhaqanka ee uu deegaankeenu leeyahay, diyaariyayna goobihii ay  booqan lahaayeen qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeenu iyo  diyaarinta  goobihii la dajinlahaa martida taasi oo uu sheegay wasiirku in ay qoomiyad walba soo bandhigidoonto dhaqankeeda todobaadka uu socto xuskani.

Wariyayaasha ka socday warbaahinta kala duwan ayaa su’aalo badan oo ku salaysan xuskan waydiiyay wasiir ku xigeenka kuwaasi oo uu sharax dheerka bixiyay. xuskan 6aad ee ay martigalinayso xukuumada DDSI ayaa qoomiyadaha iyo shucuubaha  kala duwan ee dalku ay ku soo bandhigayaan dhaqamadooda kala duwan taasi oo keenaysa isdhaxgalka wada noolaanshaha qoomiyadaha iyo shucuubta dadyowga dalkeena itoobiya iyo waliba  sii xoojinta qaranimadooda.