Ramadan Kariim 



 

      

Xuska Sanadguurada Maalinka Haweenka ee 8,da March

Qabridahar( cakaaranews ) Talaado 8,da March, 2016, Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo kusaabsan Xuska Sanadguurada Maalinka Haweenka Aduunka islamarkaana laga xusayo Maanta dhamaan dunida daafaheed ayaa kadhacday Xarunta Gobalka Qoraxay ee Magaalada Qabridahar.

Munaasabadan ayaa waxaa hadalo kasoojeediyay masuuliyiinta kala ah Kusimaha Maayorka Maamulka Magaalada Qabridahar mudane Maxamed Isaaq, Kusimaha Gudoomiyaha Gobalka ahna Madaxa Arrimaha Xisbiga Gobalka mudane Axmed Yaasiin iyo waliba Kusimaha Madaxa Xafiiska Arrimaa Haweenka iyo Caruurta  marwo Ardo Urur, waxayna tilmaameen in ay maalinkani tahay maalin mudan in la xasuusto sanad walba 8,da March islamarkaana lagaga hadlo hormarka deegaanka iyo doorka ay kuleeyihiin haweenku sidookale waxa ay sheegeen in haweenku sanadihii udanbeeyay ay si aad usaraysa uga dhaxmuuqdaan hogaaminta sare ee deegaanka iyo waliba golaha baarlamaanka iyagoo aad ugu mahadceliyay XDSHSI ee talada deegaanka haya.

Sidookale waxaa xuskan iyana dhankooda kahadlay hooyooyinkii iyo ururadii haweenka ee kasoo qaybgalay xuskan iyagoo sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin xuskan islamarkaana carabka ku adkeeyeey faa iidooyinka ay haweenku u leeyihiin bulsho walba oo wadan ku nool.

Sikastaba ha ahaatee waxaa xusid mudan in xuskan maalinka Haweenka ee 8,da March lag xusay meelo kaladuwan oo kamida DDSI sida Caasimada DDSI ee Magaalad jigjiga.