CIID MUBAARAK



 

      

Maraykanka Oo Duqeeyay Argagixisada Al-qushaash Iyo Natiijooyinkii Kasoobaxay

Jigjiga( cakaaranews )Arbaco 16ka March 2016. Sida lawada ogsoonyahay taliskii dawladii shuuciga ahayd ee soomaaliya iyo tii dhergiga ee itoobiya waxay sabab u ahaayeen inay colaad dhex-dhigaan qoomiyadaha walaalaha ah ee dagan soomaaliya iyo itoobiya taas oo ay ka danbaysay fikirkii madhalayska ahaa ee soomaali wayn. Waxayna abuureen colaad loo yaqaano soomaali-xabashi.

Hadaba isbadalkii ka dhacay dalka itoobiya 1991dii ayaa waxaa ka dhashay dawlad dimuqraadi ah oo ay hogaaminayso EPRDF iyadoo mudo yar kadib ay burburtay dawladii shuuciga ahayd ee soomaaliya. Shacabwaynihii soomaaliyana waxay u kala qaxeen meelo badan oo caalamka kamid ah sida wadamada suudaan, masar, itoobiya, Kiinya, wadamada carabta, iyo waliba wadamada reer galbeedka.

Hadaba su’aashu waxay tahay dadkii soomaalida ahaa ee qaxay yey taakulayn kaheleen? Waxaa xaqiiqa ah in dawladaha reer-galbeedka sida yurub iyo maraynkanka ay caawiyeen dadkii u qaxay ee soomaalida ahaa iyaga oo aan u eegaynin jinsi, diin iyo midab toona oo ay dajiyeen guryana siiyeen islamarkaana  ay u aqoonsadeen muwaadiniin iyaga la siman oo ay siiyeen passportigii dhalashada bini’aadanimo darteed balse aysan kahelin habayaraatee wax taakulayn ah wadamadii kubahoobay Midawga Jaamacada Carabta oo ay soomaaliya xubin ka ahayd, iskadaa in dhalasho lasiiyee soomaalidii u qaxday carabaha waa lasoo tarxiilaa qaarna ilaa hada xabsiyada ayay ku jiraan waxna looma qabanin kuwa hada joogana wakiil ayay ku joogaan ama gabadh. Wax asxaan ah oo islaanimo ah oo ay u sameeyeena ilaa hada majirto. Inta hada joogtana goormaa lagu qaban iyo dhuumasho ayay ku joogaan. Waxaa dhacda in 40 sano dadkii kunoolaa lasoo tarxiilo marka uu aabahood dhinto oo la dhaho wakiil malihid meesha reer galbeedku ay halsano gudahood ku siiyaan dadkii u qaxay dhalashada. Dadkaasina ay xor u yihiin dhaqankooda oo ay waliba diintooda kufaafin karaan.

Markaan eegno dhanka Africa, waxaa ugu wanaagsanaa dalka itoobiya dhanka soo dhawaynta qaxootiga kasoo qaxay soomaaliya. Soomaalidii ku soo qaxday itoobiya lama sheegi karo wax cabasho qaba ama dhib gaadhay. Waxayna itoobiya u noqotay wadankoodii labaad haday qaxooti ku yihiin iyo haday ehelkooda lajoogaan labadaba. Waxayna noqdeen qaxootigii caalamka ugu sharafta badnaa ee loogu ixtiraamka badan yahay. Ilaa hadana taariikhda laguma hayo gabadh qaxooti ah oo lagu kufsaday itoobiya ama cabasho marka laga tago iskudhac yar oo dhexdooda ah.

Dhanka kale ciidamada Amisom-Ethiopia waxay noqdeen ciidamada ugu sharafta badan lagumana sheegin ilaa hada dhac, kufsi iyo boob midnaba. Dagaalka ay galeena wuxuu ahaa mid ay bartilmaamsadeen ururka argagixisada ah ee Alqushaash oo hadii ay masaajid dhexdii kaga soo ridaan aan wax jawaab ah lasiinaynin xurmo ay xurmaynayaan diinta islaamka darted. laakiin qaar kamid ah ciidamada kale ee afrikaanka ah hadii bastoolad lagaga soo rido masaaji waxay ugu jawaabayeen ‘Suu’.

Hadaba ciidamada qaranka itoobiya waxay naftooda, dhiigooda iyo maalkoodaba u hureen inay soomaaliya ka xoreeyaan aragagixisada al-qushaash ilaa iyo hadana way u hurayaan. Shacabka  soomaaliyana waxay u bixiyeen ciidamada itoobiya hiil-Alle.

Hadaan u soo noqono nuxurka iyo ujeedada hadalka, ciidamada maraykanka ayaa 9kii bisha March ee sanadkan waxay duqayn iyo dagaal cilmiyaysan oo aan horay loo arag ku qaadeen ubucda ururka alqushaash gaar ahaan xero tababar oo kutaala degmada dheeriyaw.

 Sidoo kale waxay degmada aw-dheegle 8dii march ciidanka marykanku ka fuliyeen qorshe aan inaba caadi ahayn oo dhabarka kajabiyay ururada argagixisada ah sida al-qushaash iyo ISIS oo is-bahaystay. Halkaas oo shacabkii goob-jooga ahaa ay sheegayaan in ciidamada maraykanku ay ku guulaysteen mission impossible iyadoo shacabka dagan dheeriyaw iyo aw-dheegle ay khaati bilaah ka taagnaayeen dhibaatada ay alqushaash ku haysay. Tusaale ahaan waxay dileen 4 nin oo 90 jiro ah iyagoo ku eedaynaya kufsi gabdho 15 jir ah balse xaqiiqadu ahayd inay odayaashu dhaheen war dadka dhibaatada ka daaya.

 Si kastaba ha ahaatee, waxay mas’uuliyiinta al-qushaash kufsadeen gabdho yaryar oo u xidhnaa islamarkaana ay dil ku xukumeen kadib markay diideen inay guursadaan oo ay dhaheen murtidiin baad tihiin.

Hadaba shacab waynaha soomaaliya ayaa dhibaatadaa lasoo daristay darted ilaahay baryay oo hal mar wada yidhi ‘‘ilaahaw naga soo gaadh oo naga qabo’’. Ilaahayna durba wuu kajawaabay codsiga shacabkii dhibaataysnaa. Wuxuuna u soo diray ciidanka maraykanka oo dagaal cilmiyaysan kaga takhalusay aragagixisadii alqushaash halkaas oo gabdhihii xukunaa ay ku badbaadeen oo xiliigii ay argagixisadu kuwaday inay dilaan gabdhaha ay ciidamada maraykanku ka badbaadiyeen, argagixisadiina hallkaa lagu baabi’iyey.

Ugudanbayna waxay arintani hiil, taageero, taakulayn iyo badhi-gantaal u tahay shacabka soomaaliya, shacabka Geeska-Africa, iyo gaar ahaan deegaanka soomaalida itoobiya. Waxayna si gaar ah hiil ugu tahay ciidamada difaaca qaranka itoobiya oo lagu tilmaamo inay yihiin geesiyiinta caalamka kuwaasoo markasta ku mashquulsan ladagaalanka iyo cidhibtirka argagixisada.

                  U gaar ah Xarunta Dhexe ee XDSHSI