Real Madrid Oo Si Qurux Badan Ugu Gudubtay Wareega 4aad Ee Champions League

Jigjiga (Cakaaranews) Arbaco 13ka April 2016 Real Madrid oo Santiago brenabe ku dubatay kooxda Wolfsburg,halyay christiano ronaldo oo sadexlay dhinaca kale ugu dhigay  natiijadii kulankii hore iyo kooxda zidane oo iska xaadirisay wareega 4aad ee champions league ga.

Real Madrid ayaa kulan si wayn loo sugayay Santiago bernabe kusoo dhawaysay kooxda ree germany ee Wolfsburg oo kulankan iskeentay iyada oo 2-0 los blancos kusoo garaacday kulankii germany kazoo dhacay todobaadkii hore .real Madrid  ayaa doonaysay inay dhinaca kale ugu dhigto natiijadii kulan kii hore islamarkaana waxay raadinaysay waxkastoo ugu soo bixi lahayd wareega 4raad ee champions league ga.

Real Madrid ayaa qaybtii hore kulankan soo bandhigtay qaab ciyaareed cajaa ib ah iyada oo waliba doonaysay waliba doonaysay  inay xili horaba dhinaca ugu dhigto iyadoo real Madrid daqiiqadii 15aad dhashatay goshii 1aad taas uu dhaliyay weeraryahanka real Madrid christiano Ronaldo dos santos wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0 oy real Madrid hogaanka ku hayso.DAQIIQADII 17 AAD  ayaa real Madrid heshay goolkeeda 2aad waxaan ku ceshaday christiano ronaldo isagoo ku dhaliyay madaxa ciyaartiina waxay noqotay 2-0.

 DAQIIQADII 77 aad real Madrid ayaa ugu danbayn heshay goolkeedii 3aad ee ay bartil maameed sanaysay si ay ugusoo baxdo weraaga 4ta ee champions luague ga waxaana markan indhaha aduunka xaday christiano ronaldo dos santos kasoo markan gool la yaab leh ku dhaliyay kubad laaga xoorta ah oo uu si fiican ooga dhax saaray ciyaartoyda Wolfsburg oo gool kooda ilaalinayay wuxuuna sidaa ku keenay goolka 3aad ee Madrid ciyaartiina ay ku dhamaatay 3-0 guushiina ku raacday kooxda Real Madrid.