Degmada Cadaadle iyo Biyo Xidheenadeedii Oo Buuxsamay

Cadaadle (cakaaranews ) Khamiis 14ka April 2016 Kadib markii uu sicfiican uga curtay roobkii Guga ee la sugayay baryahan islamarkana uu sifiican uga da’ay deegaanka walina uu socdo bulshaduna sifiican ugu qabawsatay ayaa waxaa kamida meelaha uu sida fiican uga da’ay  Degmada Cadaadle oo katirsan Gobalka Shabeele isagoo  sifiicana u buux dhaafiyay 2bo Biyo-xidheen oo laga dhisay degmada cadaadle.

Hadaba Gudoomiye Kuxigeenka Degmda Cadaadle mudane Saleebaan Cali Bile oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in ugu horayn ay aad ugu mahad celinayaan allaha raxmaanka ah ee keenay roobabka. Wuxuuna gudoomiyuhu intaa kudaray in sifiican bulshadu ugu qabwsaty roobabkii kada’ay degmada cadaadle iyo nawaaxigeeda islamarkaana ay buux dhaafeen Labo biyo xidheen oo laga kala dhisay tuulooyinka kala ah Birlays iyo Libaaxle  ee hoosyimaada degmada Cadaadle.

Sidookale Gudoomiye kuxigeenka  ayaa xusay in ay gaadheen hadaf kii ahaa in maalin maalmaha kamida ay arkaan biyo xidheenadan oo buuxsama kadib markii ay shaqadiisa ay wakhti, fikir dadaal iyo walib miisaaniyad ay kubixiyeen islamarkaana ilaahay uu suurta galiyay in uu maanta buuxsamo bulshaduna kafaa’ iidaysato.

Ugudanbayna wuxuu masuulku sheegay in bulsho farabadan ay bilaabayaan kafaa’iidaysiga biyo xidheenadan iyagoo beero kaqodanaya aaga biyo-xidheenada.