CIID MUBAARAK



 

      

Qiimayntii ICT ga Dhamaan dalka Oo Bilaabatay

Adhisbaba(cakaaranews)khamiis 4ta August 2016. Shir ujeedadiisu qiimaynta warbixinada waxqabadka 2008 e.c ee dhnaca isgaadhsiinta casriga ah (ICT)islamarkaana ay kasooaybgaleen wakaaladaha iyo waaxaha ICTgu ee dhamaan deeganada dalka JDFI iyo labada maamul magaalo ayaa si rasmi ah uga bilawday xarunta dalka ee adhisababa,

Shirkan qiimaynta ah ayaa waxaa ugu horayn furay ugu Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta iyo TXogaha Farsamada Casriga ah Dr Debretsion Gebre-mikeal oo sheegay in shirkani yahay shirkii caadiga ahaa ee sanadlaha ahaa islamarkaana la isku qiimaynjiray. Wuxuuna wasiirku intaa kudaray in shirkani yahay mid sibaaladhan loogu eegayo waxqabadka 2008TI iyo qorshaha 2009TI islamarkaana ay u dhanyihiin 9kii dawlad deegaan iyo labadii ismamul.

Sidookale waxaa iyana shirkan khudbad dhaxal gal ah kasoo jeediyay Wasiiru-Dawlaha Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Xogaha Farsamada Casriga ah Marwo Ifraax Cali Muuse oo sheegtay in wasaaradu ay dadaal balaadhan ka muujisay dhinaca kor uqaadida, fidinta tayada isgaadhsiinta casiga ah. Kadib markii ladhagaystay warbixitii waxqabadka 2008 TI iyo sida uu ufulay. Waxayna sheegatay in 9ka deegaan iyo labada ismaamul magaalo ay soo bandhigayaan waxqabadkoodii 2008TI.  Iyo waliba qorshahooda ku aadan 2009TI.

Ugudanbayna wasiiru-dawlaha ayaa xusay in shirkani marka uu dhamaado ay faaiiido balaadhan kasoobixi doonto taasoo ku aadan dhanka kor uqaadida tayada, fidinta iyo adeegbixinta isgaadhsiinta Xogaha casriga ah.