Waftigii Soomaliya Iyo Kulankii Saaka.

Jigjiga(cakaaranew) khamiis, 11ka August, 2016, Waftigii uu hogaaminayay madaxwaynaha jamuuriyada soomaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu horkacayo madaxwaynah DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka kulan la yeeshay masuuliyiint xukuumada DDSI, odayaasha dhaqanka deegaanka iyo shaqaalaha xafiisyada heer deegaan.

Kulankaasi oo ka dhacay hoolka shirarka ee xarunta madaxtooyada  ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sharax dheerka bixiyay farqiga u dhexeeya dawladihii hore itoobiya iyo soomaliya iyo waliba  dawlaha maanta  itoobiyada  cusub  iyo  soomaliyada cusub. Madaxwaynaha  Ayaa si qoto dheer uga  warbixiyay soonyaalkii taariikheed iyo dhibaatooyinkii soo daashaday shacabka DDSI iyo kuwa somaliya iyo colaadihii ay kala dhaxdhigeen dawladihii hore ee wadamada soo maamuli jiray. madaxwaynaha ayaa  tilmaan dheer ka bixiyya  tabihii  iyo xeeladihii lagaga soo baxay dhibaatooyinkii iyo cadaadiskii soo daashaday qoomiyadaha iyo shucuubta dalka itoobiya iyo sida ay hada uga wada faa’iidaystaan qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya neecoowda horumarineed ee ka dhalatay itoobiyada cusub. Madaxwaynah ayaa sheegay in ay taageero dhinac kasta leh la garab taagan yihii dawlada soomaliyda ee ay walaalaha yihiin kana wada shaqaynayaan sii xoojinta xidhiidhka wanaagsan ee hada ka dhexeeya

Madaxwaynaha jamuuriyada soomaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay kulankaasi ayaa ugu horayntii si qoto dheer ugu mahadnaqay xukuumada DDSI iyo shacabka DDSI sida meeqaamka sare ee loogu soo dhaweeyay deegaanka. Madaxwaynaha ayaa sheegay in ay soo jiidatay horumarka baaxada wayn ee ka hirgalay deegaanka. wuxuuna sheegay Madaxwaynuhu  in dawlada somaliyada iyo deegaanada dalka itoobiya kaga dayanayaan DDSI  jihooyinka iyo istaraatajiyadaha ay ku hanteen horumarka deg dega ah  iyo xasiloonida deegaan taasi oo soo jiidatay ayuu yidhi indhaha caalamka iyo kuwa geeska Africa. madaxwaynaha somaliyada ayaa sheegay in furaha horumarku yahay nabadgalyada wuxuuna   tilmaayay  in ay ujeedada socdaalkoodu tahay  in ay aqoon ka korodh sadaan DDSI wuxuuna ka warbixiyay intii uu joogay deegaanka waxa ay  ku arkeen  gaar ahaam mashaariicaha horumarineed ee iyo kuliyadaha waxbarashada  oo ay soo kormeereen. Madaxwaynaha somaliyda ayaa ka warbixiyya xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya dawlaha soomaliya iyo itoobiya iyo taageerooyinka ay markasta lagarab taagan tahay dawlad itoobiya walaalahooda somaliyda.

Dhankooda qaarka mid ah odayaal dhaqameedka DDSI oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin soona dhawayna yaan waftigan uu hogaaminaya madaxwaynaha somaliya. waxayna   si qoto dheer uga warameen  sida ay u wada shaqeeyaan  xukuumada DDSI iyo odayaasha dhaqanka deegaanka.