Mw Cmc Iyo Waftigii Somaliya Oo Wada Qaxweeyay.

Jigjiga(cakaaranews) khamiis, 11ka August , 2016 Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo uu wehelinayo gudomiyaha XDSHSI ahna afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI mudane Maxamedrashiid Isaaq iyo Waftigii uu hogaaminayay madaxwaynaha jamuuriyada somaliya mudane Xasan Sheekh maxamuud ayaa  ka wada qaxweeyay/shaahay huteelka city Crown ee magaalada jijiga.

Waftigan uu hogaaminaya madaxwaynaha somaliya mudan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  maanta iyada oo uu kor kacayo madaxwaynaha DDSI mudane  Cabdi maxamuud cumar waxay  socdaal lug ah ku soo dhexmareen qaarka mid ah xaafadaha iyo suuqyada waawayn ee  caasimada deegaanka ee jigjiga ka dibna ka wada shaahay huteelka city crown.