Kalfadhigii Golaha Baarlamaanka Degmada Garbo Oo Furmay

Garbo(cakaaranews)sabti 17ka September 2016. Waxaa si heer sare ah uga furmay hoolka shirarka  Degmada Garbo ee Gobolka Nogob kalfadhigii baarlamaanka iyadoo shirkana lagu soo bandhigay warbixintii waxqabadaka 2008T.I iyo waliba ansixinta qorshaha sanad miisaniyadeedka 2009T.I.

Hadaba, kalfadhigan ayaa waxaa ugu horayn furay Afhayeenka Baarlamaanka Degmada Garbo mudane Maxamed Maxamuud Cabdi oo ugu horayn salaan u soo jeediyay xildhibaanada islamarkaana sheegay in koromku buuxo oo ay soo xaadireen shirka 43 xubnood iyadoo xildhibaanda guud ee degmada garbo ay yihiin 65 xubnood. Wuxuuna intaa kudaray in ajadanyaasha kalfadhigani yahay dhagaysigii warbixinta waxqabakii 2008TI  iyo waliba dhagaysiga qorshaha iyo sanad miisaniyadeedka 2009T.I

Sidookale, K/S Gudoomiyaha Degmada ahna Madaxa Xafiiska Kobcinta iyo awooda  Degmada Garbo mudane Shugri Muuse ayaa halkaas kasoo jeediyaywarbixintii waxabadka 2008T.I. kadibna cod buuxa ay ku ansixiyeen xildhibaanadu. Waxaakale oo iyana la dhagaysatay miisaaniyada qorshaha 2009 T.I  oo iyana goluhu codbuuxa ku ansixiyeen.

Ugudanabayna shirka ayaa ku soo dhamaaday jawi wanaagsan oo farxadi ku dheehantahay.