Ramadan Kariim 



 

      

Degmada God-god Iyo Shirwaynihii Waxbarashada

God-god(Cakaaranews) Axad, 18ka September 2016. Waxaa maanta xarunta degmada God-god ee gobolka afdheer kadhacay shirwaynihii abaabulka diwaangalinta waxbarashada oo ay kasoo qaybgaleen gudoomiye kuxigeenka gobolka afdheer mudane Cabdi Maxamed Ibraahin, kusimaha gudoomiyaha mudane Cabdinuur Maxamed Xasan, kooxda abaabulka ol-olaha waxbarashada heer deegaan oo uu hogaaminayo mudane Axmed Yaasiin iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada.

Kulankan balaadhan ayaa waxaa ugu horayn furay gudoomiye kuxigeenka gobolka afdheer mudane Cabdi Maxamed Ibraahin oo bulshada reer god-god kalahadlay muhiimada ay waxbarashadu leedahay islamarkaana kubooriyay bulshada inay keenaan caruurtooda gaadhay da’da waxbarashada iyo inay isu diwaangaliyaan waxbarashada dadka waa wayn.

Sidoo kale kusimaha gudoomiyaha degmada mudane Cabdinuur Maxamed iyo teamka abaabulka oo iyana goobta kahadlay ayaa bulshada kuwacyigaliyay diwaangalinta waxbarashada iyo inay waalidiintu mas’uul kayihiin hadii la arko ilmo da’da waxbarashada gaadhay oo aan lakeenin goobta ugu dhaw dugsi waxbarasho. Waxayna intaa kudareen, in dadka waa wayn laftigiisu uu isu diwaangaliyo waxbarashada dadka waa wayn iyo waliba ardayda loox-tuurka ah, kuwa dhimirka waxkaqaba iyo danyarta intaba.

Ugudanbayna, bulshada ayaa balanqaaday inay caruurtooda iyo kuwa kaleba keenayaan islamarkaana ay soo diwaangalinayaan dugsiyada waxbarashada iyagoo laf ahaantoodu kaqaybqaadan doona waxbarashada dadka waa wayn.