Banaan-baxii jaaliyada DDSI Ee North America

Minnesota(Cakaaranews) Axad, 18ka September 2016. Jaaliyada kasoo jeeda DDSI ee kunool waqooyiga America gaar ahaan magaalada Minnesota ayaa maanta samaysay banaanbax balaadhan oo ay kaga soo horjeedaan ururada nabadiidka ah sida Ginboot7, ONAG iyo UBBO ee raba inay dalkeena itoobiya dib ugu soo celiyaan heeryadii gumaysiga, cadaadiskii iyo dhiig-miiradkii dhargiga uu gabbalkoodu dhacay ee kiniisadaha looga talin-jiray ee diidan nidaamka federalismka ah iyo dastuurka dalkaba.

Dadka isugu soo baxay banaanbaxan ayaa kudhawaaqayay ‘Ginboot7 down, Onag down iyo ubbo down.’ Kuwaas oo macnahoodu yahay ‘hadhacaan ginboot7, Onag iyo Ubbo’ iyagoo dhanka kalana ay boodhadhka ugu qoraayeen islamarkaana kudhawaaqayay ereyo ay kutaageerayaan nidaamka federalismka ah ee kudhisan dimoqraadiyada, sinaanta iyo cadaalada iyo waliba dastuurka dalka iyagoo sidoo kale kudhawaaqayay ‘Guul XDSHSI, Guul xukuumada DDSI’.

Waxayna amaan, bogaadin iyo taageero balaadhan usoo jeediyeen Xisbiga EPRDF ee wadanka kuhogaaminaya nidaamka federalismka ah ee kusalaysan dimoqraadiyada, sinaanta iyo cadaalada islamarkaana uu dhex-yaalo dastuurka loo wada siman yahay.  Waxayna taageero buuxda umuujiyeen xukuumada DDSI ee uu majraha uhayo madaxwayne CMC.

 Hadaba, xukuumada DDSI iyo XDSHSI oo bogaadiyay banaanbaxan ayaa halkan uga hambalyaynaya islamarkaana umahadcelinaya   jaaliyada DDSI ee waqooyiga America kunool iyagoo talaabadooda kutilmaamay mid geesinimo, karti iyo ficil wadaniyadeed leh islamarkaana kudayasho mudan.