CIID MUBAARAK



 

      

Kalfadhigii 7aad Ee Golaha Xildhibaanada Degmada Awbare oo Furmay.

Awbare,(cakaaranews) Axad, 18ka, September, 2016. Waxaa ka furmay magaalada awbare gaar ahaan hoolka shirarka ee Cabdikaamil Cawaale kalfadhigii 7aad ee golaha xildhibaanada degmada awbare.

Kalfadhigan ayaa waxaa ka soo qaybgalay kaabineeyga degmada Awbare, xubanaha golaha xildhibaanada degmada Awbare iyo marti sharaf kale. Waxaana kalfadhigan furay afhayeenka degmada golaha xildhibaanada degmada awbare mudane Aadan Ciise Xaaji oo ugu horayntii xaqiijiyay tirada kooramka xildhibaanada oo ay tiradoodu dhantahay 87 xildhibaan wuxuuna sheegay in ay kalfadhigan xaadir tahay 80 sidaasi darteedna uu furan yahay kalfadhigan. Wuxuuna afhayeenku sharax kooban ka bixiyay waxqabadkii sanadka 2008TI ee xafiiska golaha xildhibaanada degmada awbare, ka dibna waxa uu soo bandhigay ajandayaasha kalfadhigan oo ay ka mid yihiin, dhagaysiga iyo ansaxinta warbixinta waxqabadka maamulka degmada Awbare ee sanad miisaaniyeedka 2008TI iyo ansaxinta  miisaaniyada sanadka 2009TI.

 

Waxaana la guda galay dhagaysiga warbixinta waxqabadka sanadka 2008TI  ee maamulka degmada awbare oo uu soo jeediyay gudoomiyaha degmada awbare mudane Maxamed Cabdi Faarax, warbixintaa oo ahayd mid ku sar go’an  guulaha maamulka degmadu ka soo hoysay guud ahaanba qorshihii u yaalay degmada ee dhinacyada adeegyada horumarinta bulshada sida biyaha, waxbarashada, caafimaadka, beeraha, nabaglayada iyo maamulka suuban. Ka dib markii uu golaha xildhibaanadu dhagaystay lagana dooday waxa lagu ansaxiyay codbuuxa.  Sidoo kale waxa la dhagaystay lana ansaxiyay miisaaniyada degmada awbare ee sanad miisaaniyeedka 2009TI.