Ramadan Kariim 



 

      

Shirkii Golaha Dhexe Ee XDSHSI Oo Furmay

Jigjiga(Cakaaranews) Axad, 18ka September 2016. Waxaa hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan maanta kafurmay shirkii caadiga ahaa ee golaha dhexe ee XDSHSI oo lagu qiimaynayay waxqabadka 6dii bilood ee lasoo dhaafay sanadka 2008TI ee dhinacyada horumarka, nabadgelyada iyo maamulka suuban iyo qaab-hogaamineedkii shaqooyinka heer deegaan iyo heer federal.

Hadaba shirkan golaha dhexe ee XDSHSI oo soo jeedin kadib lagu ansixiyay warbixintii waxqabadka xukuumada DDSI iyo XDSHSI ee 6dii bilood ee lasoo dhaafay ayaa lagu go’aamiyay in shaqooyinkii sanadka 2008TI ay uqabsoomeen sidii loogu talagalay ee uu qorshuhu ahaa gaar ahaan dhinaca nabadgelyada oo ay xisbiga iyo xukuumaduba guulo laxaad leh kasoo hoyiyeen iyo in loo baahan yahay in shaqooyinka sanadka cusub ee 2009TI loo fuliyo si dar-dargalin ah iyadoo laga duulayo qorshaha islamarkaana laga faaiidaysanayo wakhtiga.

Ugudanbayna, shirkan ayaa galabta kusoo dhamaaday jawi wanaagsan oo ay farxadi kudheehan tahay iyo niyad kamidaysan sidii umada deegaanka horumar waara oo aan soo noqosho lahayn loo gaadhsiin lahaa.