CIID MUBAARAK



 

      

Shirwaynihii Abaabulka Diwaangalinta Waxbarashada Bookh

Bookh(Cakaaranews) Talaado,  20ka September 2016. Waxaa magaalada bookh si habsami leh uga qabsoomay shirwaynihii 7,aad ee abaabulka diwaangalinta waxbarashada.

Shirwaynahan ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiinta degmada oo uu kamid yahay kusimaha gudoomiyaha degmada ahna madaxa xafiiska iskaashatooyinka mudane Bashiir Nuur Maxamed, madaxa xafiiska waxbarashada mudane Aadan Bashiir Cali, kooxda abaabulka waxbarashada heer deegaan oo uu horkaacayo mudane maxamed yuusuf xuseen iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada.

Hadaba mas’uuliyiintan oo halkaa kuladashay qaybaha kaladuwan ee bulshada ayaa kuboorisay inay soo xareeyaan ardayda da’da waxbarashada gaadhay, kuwii horay usii dhigan jiray, ardaydii loox-tuurka ahayd, kuwa dhimirka waxkaqaba ama naafada ah iyo waliba inay isusoo diwaangaliyaan waxbarashada dadka waa wayn. Waxayna intaa kudareen, in gudiyada waalidiinta iyo kuwa degmada oo iskudhafan looga fadhiyo inay guri kasta oo tuulooyinkan kamid ah garaacaan si aan loo arag ilmo da’da waxbarashada gaadhay oo guriga ama banaanka bilaa waxbarasho jooga

Dhanka kalena, bulshada ayaa balan-qaaday inay kasoo baxayaan hawlaha abaabulka iyo diwaangalinta waxbarashada oo ay tahay mid iyaga udan ah islamarkaana ay iyaga utaala maadaama oo lasoo gaadhsiiyay iyagoo dhankoodana hoosta kaxariiqay inay sii xoojinayaan kaqaybgalka waxbarashada oo ay waliba bilaabi doonaan dhismayaal dugsi oo ay kaqaybgalka bulshada kudhisayaan.

Ugudanbayna, shirwaynahan abaabulka diwaangalinta waxbarashada oo kasocda guud ahaanba deegaanka gaar ahaana degmooyinka gobolka doolo ayaa bari kaqabsoomi doona tuulooyinka mirqaan iyo qaawane isagoo usii gudbi doona degmada cusub ee Galxamur.