Kulanwaynihii 7,aad ee waxbarashada Degmada Shiniile

Shiniile ( Cakaaranews ) Arbaco 21ka September 2016. Shirwaynaha 7,aad ee  waxbarashada degmada Shiniile oo ay kasoo qaybgaleen kabaneega degmada oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha degmada Mudane Cabdi Aadan Kaynaan ,macalimiinta, Waalidiinta,odayaasha ,iyo qaybaha kaladuwan ee Bulshada ayaa ka qabsoomay degmada shiniile ee xarunta gobolka sitti.

Hadaba kulan waynahan lagu abaabulayo diwaangalinta sanad dusiyeedka 2009TI ee caruurta gaadhay Dada waxbarasho sidii loo keeni lahaa goobaha diwaangalinta waxbarashada oo hal kudhag looga dhigay Bare aqoon iyo tayo leh ayaa soo saara, Arday aqoon iyo anshax wanaag ku sifowday, ayaa waxaa ugu Horayn ka hadlay gudoomiyaha  degmada shiniile mudane Cabdi Aadan Kaynaan  oo sheegay in waalid Walba uu keeno caruurta goobaha waxbarashada ee diwaan galintu kasocoto,madaama waxbarashadu Tahay  furaha nolasha ee ilma kaste isku anfici karo waxna ku anfici karo.Wuxuuna gudoomiyuhu intaa Ku daray in waalidiintu caruurta ku dabagalaan qaab socodka waxbarasho ee ilmaha kana warhayaan Mar walba xaaladiisa waxbarasho. Maadaama waxbarashadu tahay mida kali ah een kaga bixi karno Cadowgeena koobaad oo ah saboolnimada.

Uga danbayna waxaa kulanwaynaha  ka hadlay qaar kamid ah waalidiinta oo sheegay inay diyaar u yihiin Inay caruurta keenaan goobaha waxbarasho ee diwaan galinta. Iyagoo intaa ku daray in si fiican ooga Qayb qaadan doonaan xoojinta waxbarashada kana soo bixi doona kaalintii waalidnimo ee ku aadan Dhanka waxbarashada. Kuna dabagali doonaan xaalada waxbarasho ee uu ilmuhu kusuganyahay.