CIID MUBAARAK



 

      

Feer-feer Iyo Abaabulka Diwaangalinta Waxbarashada.

Feerfeer(cakaaranews),Arbaca, 21ka September, 2016. Waxaa ka dhacay magaalada feer-feer ee xarunta degmaa feer-feer  ee gobolka shabeele shirwaynaha abaabulka iyo diwaangalinta waxbarashada sanad dugsiyeedka 2009TI.

Shirwaynaha abaabulka waxbarashada oo ka  ka dhacay barxada wayn ee magaalada feer-feer ayaa waxaa  hogaaminayeen kooxda heer deegaan ee ka wada gobolka shabeele abaabulka diwaangalinta waxbarashada  iyo masuuliyiinta maamulka degmada  feer=feer  waxaana  ka soo qaybgalay dhamaanba qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada feer-feer  iyo santarada hoos yimaada degmada qalaafo.

Masuuliyiinta maamulka degmada feer-feer iyo kooxda heer deegaan ayaa qaybaha kala duwan ee bulshada uga warbixiyay ahmiyada ay leedahay waxbarashada. Waxayna u sheegeen bulshada in ay keenaa dhamaanba caruurta gaadhay da’da waxbarashad goobaha waxbarashada ardaydii horena ku soo celiyaan fasalada ay u gudbeen. Waxaa kale oo ay bulshada ku booriyeen in ay ka faa’iidaystaan waxbarashada dadka waawayn.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ku Dhaqan degmada feer-feer  ayaa sheegay in ay ka qayb-qadanayaan diyaarna u yihiin sidii loo keenilahaa  caruurtooda gaadhay dada waxbarashad goobaha waxbarashada kuwii hore ugu jirayna loo keenilahaa fasalada ay u gudbeen sidoo kalena ka faa’-iidaysanayaan fursadaha waxbarasho dadka waawayn ee aan wakhtiyadii hore helin fursad waxbarasho.