CIID MUBAARAK



 

      

Abaabulka Diwaangalinta waxbarashada iyo degmada mustaxiil

Mustaxiil ( Cakaaranews ) Jumce 23ka September 2016. Kulanwayne lagu abaabulayay diwaangalinta waxbarashada caruurta gaadhay dada waxbarashada  oo ay kasoo qaybgaleen kabaneega degmada oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha degmada mustaxiil  Mudane Daahir Cismaan Sagal,macalimiinta, Waalidiinta,odayaasha ,iyo qaybaha kaladuwan ee Bulshada ayaa ka qabsoomay degmada mustaxiil ee gobolka shabeele.

Hadaba kulan waynahan lagu abaabulayo diwaangalinta sanad dusiyeedka 2009TI ee caruurta gaadhay Dada waxbarasho sidii loo keeni lahaa goobaha diwaangalinta waxbarashada ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay gudoomiyaha degmada mustaxiil mudane Daahir Cismaan Sagal oo sheegay in waalid Walba uu geeyo caruurta goobaha waxbarashada ee diwaan galintu kasocoto,madaama waxbarashadu Tahay  furaha nolasha ee ilma kaste isku anfici karo waxna ku anfici karo.Wuxuuna gudoomiyuhu intaa Ku daray in waalidiintu caruurta ku dabagalaan qaab socodka waxbarasho ee ilmaha kana warhayaan Mar walba xaaladiisa waxbarasho.

 Dhanka kale waxaa iyana dhankooda ka hadlay masuuliyiintii ka socday xafiiska waxbarashada DDSI oo sheegay inay waxbarashadu tahay mida kali ah een kaga bixi karno Cadowgeena koobaad oo ah saboolnimada.Iyagoo waalidiinta kula dardaarmay inay caruurta geeyaan goobaha diwaangalinta waxbarashadu kasocoto.

Uga danbayna waxaa kulanwaynaha  ka hadlay qaar kamid ah waalidiinta oo sheegay inay diyaar u yihiin Inay caruurta keenaan goobaha waxbarasho ee diwaan galinta. Iyagoo intaa ku daray in si fiican ooga Qayb qaadan doonaan xoojinta waxbarashada kana soo bixi doona kaalintii waalidnimo ee ku aadan Dhanka waxbarashada. Kuna dabagali doonaan xaalada waxbarasho ee uu ilmuhu kusuganyahay.