Shaacinta Miisaaniyada M.M Qabridahar

Q/dahar(Cakaaranews)khamiis 29ka, september 2016. Shir balaadhan oo ujeedadiiisu tahay shaacinta miisaaniyada MM Q/dahar islamarkaana  ay kasooqayb galeen mas’uuliyiinta gobolka qoraxay, mas’uuliyiinta maamulka magaalada q/dahar iyo waliba bulshada qaybaheeda kaladuwan sida odayaasha, culimo-awdiina hooyooyinka iyo dhalinyarada ayaa  kaqabsoomay hoolka shirarka ee MM /Q/dahar.

Hadaba. Shirkan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Gudoomiyaha Gobolka Qoraxey mudane Yuusuf Aadan Yuusuf oo sheegay in shirkan ujeedadiisu tahay in lagu shaaciyo miisaaniyada lagu fulinayo qorshayaasha udagan maamulka magaalada. Wuxuuna intaa kudaray in shaacintu ay tahay mid kamid ah cadacadaanta islamarkaana shacaka looga baahanyahay in ay kula xisaabtamaan maamulkooda kadib markuu sanadku dhamaado.

Sidookale, Kusimaha Maayorka Maamulka Magaalada Q/dahar mudane Maxamed Isaaq Digaale ayaa tilmaamay in shirkani uu yahay mid bulshada lagu tusinayo cadadka miisaaniyada looqabtay iyo adeegyadii loogu qabanlahaa islamarkaana ay lagama maarmaan tahay in bulshadu fahan buuxa kaqaataan.  Wuxuuna intaa kudaray in miisaaniyada looqabtay magaalada q/dahar ay tahay mid kusalaysan baahida bulshada.

Dhanka kale waxaa isna dhankiisa kahadlay kusimaha Madaxa Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha MM Q/dahar mudane Maxamed Aadan Axmed oo sheegay in shirkani uu yahay qayb kamid ah tubaha lagu shaacinayo miisaaniyada islamarkaana loogu bandhigayo si ay ulasocdaan bulshadu ugana warhayaan. Wuxuuna xusay in miisaaniyada guud ee sanad ka 2009 TI looqabtay magaalada q/dahar ay tahay lacag dhan 76,013,191 (todobaatan iyo lix milyan toban iyo sadexkun, boqol sagaashan iyo kow birr)waxayna kalatahay sidan:- Mushaar= 29,957,439 (labaatan iyo sagaal milyan sagaalboqol konton iyo todobo, afarboqol sodon iyo sagaal birr) Hawlfulin= 6,750,110, lix milyan todoboboqol iyo konton kun boqol iyo toban birr Mashaariic=39,305,642 sodon iyo sagaal milyan sadex boqol iyo shan kun lix boqol afartan iyo labo birr).

Ugudanbayna wuxuu xusay mas’uulku in sidookale ay miisaaniyada u shaaciyeen siyaabo kaladuwan sida daabacado iyo boodhadh kala duwan oo lagu dhajiyay magaalada.