Degmada Qubi Iyo Shirwaynaha Abaabulka Waxbarashada.

Qubbi,(cakaaranews) khamiis, 29ka,  Waxaa ka dhacay magaalada Qubi ee xarunta degmaa qubi  ee gobolka Erer shirwaynaha abaabulka iyo diwaangalinta waxbarashada sanad dugsiyeedka 2009TI.

Shirkan oo ahaa mid lagu dar-dargalinayo abaabulka waxbarashada ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta maamulka degmad qubi, kooxdii heer deegaan ee abaabulka waxbarashada gobolka Erer iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada qubbi iyo  santarada hoos yimaada degmada qubbi.

Waxaana ugu horayntii la hadlay bulshada gudoomiyaha degmada qubi mudane Shaafi Axmed khaliif oo ka warbixiyay ahmiyada ay leedahay waxbarashadu loogana baahan yahay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada in ay ka qayb-qaataan abaabulka waxbarashada islamarkaana la keeno caruurta da’da waxbarashada gaadhay goobaha waxbarashada.

Waxaa kale  oo ka  hadlay shirkan masuuliyiin ay ka mid yihiin madaxa xafiiska waxbarashada degmada qubi iyo masuuliyiinta hogaaminaysay kooxda ka socoday heer deegaan ee u socoday abaabulka waxbarashada kuwaasi oo dhamaantood ka warbixiyay ahmiyad ay leedahay waxbarashadu iyo dadaalka ay xukuumada DDSI ugu jirto sidii loo tir-tirilahaa jahliga.

 

Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshada ku shaqan degmada qubbi  ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay  caruurtooda gaadhay dada waxbarashada gaynayaan  goobaha waxbarashada islmarkaana ay ka faa’iidaysanayaan waxbarashada dadka waawayn.