Ramadan Kariim 



 

      

Wasiirku Xigeenka Beeraha DDSI Oo Ka Warbixiyay Waxqabadka Barnaamijka PSNP.

Jigjiga(cakaaranews),Sabti, 22ka, October, 2016. Wasiir ku xigeenka beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee DDSI mudane guuleed aw cali kaahin oo u  waramayay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa si qoto dheer uga warbixiyay waxqabadka barnaamijka shabakada badbaadada wax soo saarka.

Wuxuuna ku bilaabay wasiir ku xigeenku hadalkiisa sidan” Barmaamijka Shabakada Badbaadada waxsoosaarka (BSHBW) afka qalaadna lagu yiraahdo Productivity Safety Net Program (PSNP) ayaa yoolkiisu yahay in qoysaska cunno yaraantu haysato  ee ku nool miyiga kor loo qaado hab-nololeedkooda, islamarkaana la  dhiso awooda iska caabinta dhibaatooyinka isbadalka Cimilada iyo khataraha kaleba. iyada  la sugaayo damaanada cuntada iyo nafaqada Qoysaska saboolka ah ayaa  la suuragalinayay ka qeybgalka bulshada ee hawlaha horumarinta aasaasiga, khayraadka dabiiciga iyo Ilaalinta Deegaanka. Haddaba, waxaa mudaan gaar ah leh qaysaska cunta  yararidu haysato ee ay maamulaan hooyooyinku. Guud ahaan, raashimada mashruucan ayaa waajib ka dhigaya qof kasta  oo hawl kar ah  in uu ka qayb qaato hawlaha wadajirka ah taas oo aad iyo aad uga duwan raashimada deeqaha ( Food Aid) oo aan lagu qaban wax shaqo ah.

Mar uu ka hadlayay wasiir ku xigeenku degmooyinka uu ka hawlgalo iyo tirada bulshada ka faa’iidaysata waxa uu yidhi” Barmaamijkan ayaa deegaanka ka hawgala 31 degmo islamarkaana ay ka faa'iidaystaan Bulsho dhan  1.6 milyan oo qof. Guud ahaan sanadkii muddo 6 bilood ah ayaa ka faaiidaystayaasha laga taageeraa dhinaca Raashimada iyadoo ay waajib ku tahay  Qof kasta oo ka mid ah qoysaska  loo xushay ee shaqayn kara  (Public work) in uu ka qayb qaato shaqooyinka wadajirka ah ee bulshada, gaar ahaan hawlaha horumarinta aasaasiga ah, kaabayaasha dhaqaalaha, khayraadka dabiiciga iyo ilaalinta deegaanka".

Dhinaca kale isaga oo ka waramaya masuulku nidaamka shaqo ee barnaamijkan waxa uu yidh” Nidaamka barmaamijkan ayaa dhigaya in ka faa'iidaystayaasha la siiyo raashin ama lacag cadiin ah, halka ay ka-faa'iidaystayaashu marwalba ay door bidaan lacagta. Hadaba, nidaamka lacag bixinta ayaa faa'iidoyiin badan u leh bulshada iyo dawalada, laga bilaabo qoyska oo xor u noqonaya in uu lacagtaas ku iibsado wixii rabitaankiisa ah,  Xarakaadka suuqa oo kor u kacaya , haddaba  qodobka ugu weyn ee mihiimka ahna waa waxsoosaarka beeraha  oo kordha iyo qiimaha xoolaha oo kor u kaca , halka dad tiro badani ay si aan toos ahayn uga faa’idayaan dhaq-dhaqaaqa suuqa ee abuuramay”.

Nidaamka ay xukuumada DDSI u hirgalisay barmaamijkan mar uu ka hadlayay waxa uu yidhi” Haddaba, Xukuumada DDSI ee Maanta hogaaminaysa deegaanka, oo aan uga baranay in ay go,aan walba oo ay bulshadu ku horumarayso ay gaadho iyada oo u badheedhaysa  dhibaato walba iyo xaalad kasta oo adag  si geesinimo ay  ku dheehan tahay u gudanaysa  waajibaadka shaqo ayaa go”aansatay in dhamaan degmooyinka Raashinka  lagu siin jiray loogu badadlo lacag cadiin ah. haddaba arinta lacag bixinta ayaa taageero wayn u noqonaysa horumarinta dhaqan dhaqaale ee deegaanka ka hirgalay shantii sano ee ugu danbeeyay. Guudahaan, hawlaha lacag bixinta oo u baahan in la hirgaliyo shuruudo badan oo ay ka mid yihiin in la dhaqangeliyo kararka macaamiisha iyo nidaamka diiwaan gelinta iyo xaadirinta ka-faa'iidaystayaasha (PASS) oo lagu ogaanayo xogta Qoysaska iyado la xaadirinayo qoysaska iyo sida ay uga qaybqaateen shaqooyinka wadajirka ah, sido kale qoys kastaa wuxuu yeelanayaal lambar  u gaara oo lagu xaadirinayo, kuwaas oo dhamaan xoojinaya ilaalinta xuquuqda ka faa’iidaystayaasha iyo hirgalinta shaqooyinka wada jir ka ah. Haddaba Xafiiska Horumarinta beeraha iyo Khayraadka dabiiciga  ayaa si ka go'naansho leh u hirgaliyey dhamaan shurudahaas.

Haddaba, iyadoo ay taageero badan ka gaysteen  xafiisiyo badan ayaa waxaa si gaar ah noola hirgaliyey nidaamka lacag bixinta Xafiiska Madaxtooyada DDS iyo Xafiiska maaliyada & Horumarinta dhaqaalaha DDS. Iyaado, deegaankeenu noqdey degaankii ugu horeeyey ee dhamaan ka faaiidaystayaasha  barmaamijka raashimadii ugu badalay  lacag Cadaan(Cash) ah”.

Sida aan la socono  Iyadoo deegaan ahaan aan noqonay deegaankii ugu horeeyay ee  fuliya nidaamkan ayaa   Run ahaantii waxaa isweydiin leh Maxay tahay faaiidada dal ahaan laga helayo lacagtaas cadiinka ah ee ka faaiidaystayaasha la siinayo ka sakow qodobada uu sheegay wasiir ku xigeenku  waxaa dal ahaan inaga soo galaya lacag adag (Dollar $) ah. Hawshan  oo waxtar  weyn u leh bulshadeena ayaa waxaa kalin muhiim ah ka qatey dhamaan Xafiisyada Bahwadaagta ee Heer  deegaan, Maamulada Gobolada iyo degmooyinka. Taas oo suurogelisey in ka faaiidaystayaasha Barmaamijka sidii ugu haboonayd lagu gaadhsiiyo loona qaybiyo lacag dhan Birr 655,986,899.40 birr.

Waxqabadka ugu wayn ee barnaamijkan mar uu ka hadlayay wasiir ku xigeenku waxa uu yidhi” Barmaamijka ayaa degmooyinka ka fuliyey Mashaariici badan oo noolasha bulshada waxtar   weyn u leh, islamarkana taageero u ah hawlaha horumarineed ee dawladu wado, taas oo ila hada   laga fuliyey barnamujikan dhismayaal  ay ka mid  yihiin 49 Goobood oo xananada dadka. 85 Goobaaha xananda xoolaha, 63 Balaadhinta Qololka dugsiyada, 35 Balbalo oo Ciyaalka Lagusii hayo(Child Care Center),81 isguul oo kuwa ABE ah,   317 bakhaaro ah, 41 Ceel gameed, 62 barkada ah, 565.3Km gacamada biyaha,ama  Biyo leexin, 61 xarumaha  tababarada  beeralayda, 9 xafiiska iyo 53 guri oo shaqaalaha horumarinta beeraha ah  xubinka beeraha,  21 Guriga macaliminta ah 105 xarumaha  maamulka qabaleeyada , 14 Goobabah xoolaha lagu   talalo, 40 Goobta Dhirta lagu xanaaneeyo(Nursery Site) , 6 Sariimado, 4Goobta raashinka lagu shiito (Makiinad), 88 Musqulo, 1327km Wadooyinka heerkooda heerka koowaad”..

Ugudanbeyn, waxa uu ku soo gabagabeeyay wasiir ku xigeenku hadalkiisa sidan” dhamaan hoggaaminta DDSI gaarahaan heer Gobol iyo degmo waxaan ku dardaraya in ay ka midho dhaliyaan kana faa'iideyaan Barnamujkan.  Maadaamo oo Horumarka aan  Higsaneyno aan ku  gaadhi karna kaliya markaan sida ugu haboon ee ugu wanagsan uga faa'iideysano dhamaan barnamujyada kala duwan islamarkana aan xaqiijino ka qeybgalka bulshadeena. biyo sacabadaada lagaga dhergaa,  balanteenu waa shaqo".