Gudiga Sare ee Qaban Qaabada Xuska Maalinta Xoolo Dhaqatada JDFI oo Kulan Yeeshay.

Jigjiga(cakaaranews) ,Sabti, 24ka, December, 2016. Waxaa kulan ku yeeshay hoolka  shirarka ee xarunta dhexe ee XDSHSI gudiga sare ee  qaban qaabada munaasabada  xuska 16aad ee  maalinta xoolo dhaqatada dalkeena  itoobiya oo  sanadkan lagu xusayo caasimada DDSI ee jigjiga.

kulankan oo ay hogaaminasay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka Beeraha iyo Horumarinta Khayraadka dabiiciga ah ee  DDSI marwo Sucaad Axmed faarax ayna ka soo qaybgaleen gudiga sare ee isku dhafka ah ee heer deegaan iyo heer federaal  ayaa  waxaa lagu  gorfayanayay  qorshe hawleedka loogu diyaar  garoobayo  munaasabada  16aad ee  xuska maalinta xoolo dhaqatada dalka itoobiya taasi oo ah munaasabad 2dii sano halmar lagu xuso mid ka mid ah deegaanada xoolo dhaqatada ah ee ay ka mid ka yihiin deegaanka somalida itoobiya, canfarta, oromada iyo deegaanka shucuubta koonfurta itoobiya. Iyada oo ay gudiyadu ku soo bandhigayeen heerka ay marayso qorshaha diyaar garowga xuskan.

 

 

Xukuumada DDSI ayaa si meeqaam sare ah oo dhinac kasta leh ugu diyaar garowday martigalinta munaasabadan maalinta xoolo dhaqatada dalkeena itoobiya  oo  markii 16aad lagu xusayo caasimada DDSI ee jigjiga marka ay taariikhtu tahay 17ka  bisha dir, 2009TI.  oo ay wakhti kooban inaga xigto iyada oo si qurux badan oo casriya loo diyaariyay madasha ay ka dhacayso munaasabada oo ah garoonka kubada cagta ee magaalada jigjiga taasi oo la dhigay Rooga casriga ee la dhigo garoomada caalamka.