Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Tababar Loo Qabtay Macalimiinta Dhiga Madooyinka Sceince iyo Englishka

Godey(Cakaaranews)Talaado 3da January 2017. Tababar usoo agaasimay xafiiska waxbarashada DDSI waaxdiisa horumarinta macalimiinta iyo waxbarashada DDSI oo loo qabtay macalimiinta dhiga maadooyinka Sceince iyo Englishka ee gobolada Shabeele, Qoraxey, Doolo iyo Nogob ayaa ka qabsoomay xarunta gobolka shabeele ee magaalada godey.

Hadaba tababarkan oo uu hogaamiye kooxeed ka ahaa mudane Naasir Carab oo ah khabiir ka socday xafiiska waxbarashada heer deegaan ayaa sheegay inuu tababarkan ujeedadiisu yahay sidii kor loogu qaadi lahaa garaadka aqooneed ee barayaasha dhiga maadooyinka Sceince iyo English oo tiradoodu dhantahay 120 barayaal oo kala yimid degmooyinka gobolada shabeele iyo qoraxey. Sidoo kale wuxuu khabiirku sheegay inuu xafiiska waxbarashada heer deegaan uu  dadaal dheer ugu jirto siduu kor oogu qaadi lahaa tayada macalimiinta deegaanka islamarkaana uu macalimiinta deegaanka uqabto tababaro lagu kobcinayo garaadkooda aqooneed ee bars barasho.

Dhanka kale wuxuu khabiirku xusay inuu tababarku socon doono mudo 5 cisho ah yahayna mid muhiim ah islamarkaana ay baraayaashu waxbadan ka faaiidi doonaan, Ugu danbayna wuxuu masuulku kula dardaarmay tababar qaatayaasha inay ka faaiidaystaan cashirka mudada uu tababarku socdo, Sidoo kalana wuxuu usheegay inay markay tababarka qaataan ay ka dhaqan galiyaan schoolada ay barayaasha ka yihiin.