Kulan Lagaga Hadlayay Arrimaha Xuquuqul Insaanka Oo Ka Furmay Jigjiga

Jigjiga (Cakaaranews) Sabti 25ka February 2017. kulankan oo uu soo diyaariyay xafiiska cadaalada iyo xeer ilaalinta guud ee DDSI iyo komishinka xuquuqul iinsaanka heer federal oo ay  ka soo qaybgaleen dhamaan masuuliyiinta xafiisyada heer deegaan ayaa ka furmay hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan.

Hadaba furitaankii kulankan ayaa aqoon iswaydaarsiga ah ayaa waxaa ugu horayn furay afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI Ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq oo uu wahelinayay komishineer ku xigeenka komishinka xuquuqul insaanka JDFI mudane Ishaytu Gabre ayaa sheegay inuu kulankani yahay  siidii loosii  xoojin lahaa arrimaha xuquuqul insaanka gaar ahaan arimaha xeerka qoyska oo ah xeer ka hirgalay dalkeena itoobiya islamarkaana loo bahanyahay in sidii loogu talagalay loo dhaqangaliyo, Iyadoo masuuliyiintu xusay in deegaankeenu lagu aamanay ka qaybgalkahaweenka dhanka siyaasada oo ay ka badiyeen heerka ay oogu talagashay dowlada federalka.

Sidoo kale afhayeenka ayaa waxaa uu aad uga waramay doorka ay siisay xukuumada ddsi xuquuqaha haweenka gaar ahaan dhinaca siyaasada, dhaqaalaha iyo guud ahaanba ka qaybta galka haweenka, Iyadoo si qoto dheer loogaga hadlay shuruucaha caalami ee xeerinaya xuquuqaha caruurta iyo haweenka.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay masuulyiinta xafiisyada kaladuwan ee heer deegaan oo ka dooday kulankan iyagoo soo dhigayay sida oogu macquulsan ee lagusii xoojin karo arrimaha xuquuqul insaanka khaasatan arrimaha qoyska islamarkaana loo dhaqan galin lahaa bayaanada ka hadlaya arrimaha xuquuqul insaanka khaasatan arrimaha qoyska.