Munaasabada Xuska 19aad Ee X.D.SH.S.I Oo Si Balaadhan Loogu diyaar Garoobay.

Jigjiga,(cakaaranews),Isniin, 6da, March , 2017. Waxaa  maalinta bari ah guud ahaanba deegaanka si wayn looga dabaaldagi doonaa munaasabada  xuska sanad guurada 19aad ee X.D.SH.S.I taasi oo  si balaadhan  loogu diyaar garoobay dhamaanba deegaanka xusitaankeeda.

Caasimada DDSI ee jigjiga ayaa siwayn looga  dareemayaa diyaar garowga munaasabadan  iyada oo  wadooyinka waawayn ee caasimada DDSI ee jigjiga   calamaan laga lulay, sido kale maamulada  20ka xaafadood ee maamulka  magaalada jigjiga ayaa  kor loo sii qaaday bilicdooda iyada oo boodhadh waawayn oo lagu qoray halku dhagyo ka turjimaya guulaha horumarineed ee uu xisbigu soo hooyay iyo  hiigsiga hirgalinta himilooyinkiisa horumarineed ay ku qoran yihiin laga taagay  xarumaha maamulada xaafadaha maamulka magaalada jigjiga.

Sidoo kale degmooyinka iyo maamulada magaalooyinka DDSI ayaa maalmahanba diyaar garow balaadhan ugu jiray soo dhawaynta iyo u diyaargarowga munaasabadan 19aad ee ka soo wareegtay aas aaskii  XDSHSI.

Haddaba munaasabadan sanad guurada 19 aad oo ku beegan 28ka yekatiit 2009TI, ayaa waxay ka turjimaysaa  aas aaskii XDSHSI, soonyaalka  taariikheed iyo marxaladihii kala duwanaa  ee uu soomaray XDSHSI,

Isku soo wada duub oo X.D.SH.S.I ayaa sanadihii ugu danbeeyay u guntaday taabo galinta isbedalka horumarineed, nabadgalyo iyo maamulka saxarka tiran  oo damaanad u noqday  shacabwaynaha  deegaanka. Kaasi oo ay ka  go’antahay  gaadhsiinta shacabka deegaanka horumar waara oo dhinaca kasta leh, ka  jawaabida  baahiyaha shacabkeena, kor u qaadida koboca dhaqaalaaha, abuurida ilaha shaqada, la dagaalanka saboolnimada iyo jahliga iyada oo ay hirgalinta qorshayashaasi sal u yihiin ka qayb qalinta shacabka deegaanka.