Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kulanka Qiimaynta Qotada Dheer Oo U Bilaabmay Barayaasha Iyo Hawlwadeenada Jaamacada Jigjga

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 15ka March 2017. Kulankan oo lagu qiimaynayay geedi socodka shaqo ee shaqaalaha iyo barayaasha jaamacada jijiga oo ah kulanka qiimaynta qotada dheer ee lagu sifaynayo hanaanka geedi socodka, adeeg bixinta jaamacada jigjiga dibna loogu cusboonaysiinayo wacyika haysashada yoolasha horumarineed ee xiliga dheer u yaala dalkeena itoobiya.

Hadaba  Kulankan ayaa waxaa furitaankiisii ka soo qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedashiid Isaaq, madaxwaynaha jaamacada jigjiga mudane Dr Cabdicasiis Ibraahin, xubno ka socday heer faderaal iyo waliba shaqaalaha iyo macalimiinta jaamacada jigjiga ee loo qaybtay kulankan qiimaynta ah.

Kulankan Qiimaynta qotada dheer oo ay ujeedadeedu mid lagu rabo sidii kor loogu qaadilahaa tayada macaliminta, awooda cilmibaadhista jaamacadaha iyo tayaynta waxbarashada heer jaamacadeed ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq oo ka warbixiyay sida dawlada ugu guulaysatay qorshayaasha horumarineed gaar ahaan qorshaha koboca isbadalka dhaqaalaha ee 5 sanadlaha ah oo sal looga dhigay qiimaynta qotada dheer sidaasi darteedna qiimayntan loo baahan yahay markasta si loo gaadho yoolasha dib u curashada dalkeena itoobiya taasi oo ay kaalin wayn ku leeyihiin barayaasha iyo hawl wadeenada jaamacadaha dalka, jaamacada jigjigana ka mid tahay jaamacadaha isbadalkooda la rabo in uu ka jawaabo xalad nololeedka bulshada deegaanka ee u badan xoolo dhaqatada .

Dhanka kale Madaxwaynaha jaamacada jigjiga mudane dr Cabdicasiis Ibraahin  ayaa sheegay in qiimayntani noqon doonto mid diirada lagu saarayo turxaan bixinta hanaanka barisbarashada,aragtida u bilsaanshaha iyo la jaan qaadka qorshyaasha horumarinta dalka gaar ahaan dhinaca waxbaraashada Intaasi ka dib ayaa waxay masuuliyiintii ka socoday heer faderaal ku soo bandhigeen qiimaynta qotoda dheer ee la rabo in lagu gaadho qorshayaasha horumarineed ee la hiigsanayo kulna qiimaynta qotada dheer oo ah mid lagu sameeyay jaamacadaha dalka ayaa waxa uu sii socondaanaa maalmaha soo socda,