MW CMC Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Soo Galay Marsin

ceelbaxay(Cakaaranews) Khamiis 30ka March 2017. Waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa kadib markay saaka kulan la yeesheen qaybaha kaladuwan ee bulshada ka soo ambabaxay magaalada danood ee gobolka doolo oo ay xalay u hoydeen  iyagoo deeqo raashinka noocyadiisa kal duwan u ah qaybiyay bulshada ku dhaqan degmada danood ee ay abaaruhu saameeyeen.

Madaxwaynaha DDSI iyo waftigan balaadhan ee uu hogaaminaya ayaa markii ay ka soo baxeen magaalada danood waxay soo mareen tuulooyin badan oo ay ka mid yihiin tuulada Samu, Qoriile iyo tuulada banbaase waxayna dhamaan tuulooyinkaasi ay soomareen iyo goobkasta oo ay kula kulmaan bulshada ay gaadhsiinayeen deeqo isugu jira raashinka noocyadiisa kala duwan, biyo iyo dawooyinka dadka iyo duunyadaba. Waxayna waftigu bulshada kala qaybqaadanayeen xaalada ay ku sugan yihiin.

Ugu danbayn Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa qaybaha kala duwan ee bulsahda ku dhaqan tuulooyinkaasi ay soo mareen ka xogwaraysanayay xaalada abaarta kuna boorinayay in ay roob-doon sameeyaan Waftigan uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa galabta soo galay magaalada marsin ee gobolka qoraxay iyadoo shacabka degmada marsin ay waftiga si diiran ugu soo dhaweeyeen duleedka magaalada, waxayna madaxwaynaha iyo waftigiisu usii dhaafeen dhinaca degmada gaashaamo iyagoo wakhti xaadirkan ku sugan qabalaha ceelbaxay ee degmada gaashaamo.