Ramadan Kariim 



 

      

MW CMC Oo Xadhiga Ka Jaray Mashruuca Biyo Galinta Magaalada Dhanaan

Garbo(Cakaaranews) Jumce 7da April 2017. Waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ku guda jira socdaalkoodii dheeraa ee ay ku marayeen qaar kamid ah gobolada iyo degmooyinka deegaanka ayaa markii uu galay degmada dhanaan ee gobolka shabeelewuxuu madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar Xadhiga ka jaray mashruuc biyogalin biyaha macaan ah oo ay si dhiig joojin ah xukuumadu ooga hirgalisay degmada dhanaan, Magaaladan oo kamid ah magaalooyinka oogu fac wayn magaalooyinka deegaanka ayaa waxaa markii oogu horaysay taariikhda abid xukuumadu ka hirgalisay mashruucan biyo galinta oo ay ku baxday lacag dhan 30 milyan oo birr oo lagasoo jiiday qabalaha bacaad oo 32km oo jira degmada dhanaan tasoo ka jawaabaysa baahida bulshada ee dhanka abaarta.

Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo bulshada kula hadlay goobtaas ayaa sheegay inuu mashruuca rasmiga ah ee laab dhanaan uu yahay mid ay xukuumadu dhamaystirayso si uu xalwaara oogu noqdo biyo la aanta mudad dheer kusoo noqnoqotay bulshada, mashruucana uu yahay mid si ku meelgaadh ah loogusii sameeyay bulshada maadaamo lagu jiro xaalad abaareed. Wuxuuna madaxwaynuhu intaa ku daray in ay biyahani yihiin biyo fiican oo dadka iyo duunyaduba isticmaali karaan, isagoo madaxwaynuhu ubalan qaaday bulshada inay cabi doonaan  biyaha macaan ee wabiga shabeele.

Sidoo kale wuxuu madaxwaynuhu booqday haanta kaydka biyaha ee magaalada dhanaan isagoo sheegay inay biyahan ka yimaadeen qabalaha bacaad oo 32km ujira degmada dhanaan islamarkaana ay biyahani ku yimaadeen qulqulka biyaha oon wax kale oo awood ah ubaahnayn tasoo ka dhigan in guul laga gaadhay mashruucan.

Intaas kadib ayaa wuxuu madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar Kulan la yeeshay qaybaha kaladuwan ee bulshada ku dhaqan magaalada dhanaan isagoo si qoto dheer ooga xog waramay ujeedada socdaalkooda iyo xaalada abaarta. Iyada oo uu madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar usheegay bulshada inay samaystaan waxsoo saar dhinaca beeraha ah maadaama ay degmada dhanaan ku wanaagsantahay dhul beereedka islamarkaana ay dhanaan noqon doonto meel  lagu daydo oo  laga quudiyo goobaha kale. Wuxuuna madaxwaynu xusay inay xukuumadu qaadatay qorshe la yidhaahdo (BAABACO) oo micnaheedu yahay Biyo Baad Caafimaad ama biyo beer  calaf, ama biyo beer cilmi.

Dhinaca kale qaybaha kaladuwan ee bulshada dhanaan ayaa bogaadiyay xadhig ka jarka mashruucan biyo galinta oo uu fuliyay xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI islamarkaana u mahad celiyay xukuumada iyagoo intaa ku daray inay ka faaiidaysan doonaan qorshayaasha horumarineed ay xukuumada DDSI kawado guud ahaanba deegaanka.

Ugu danbayna Madaxwaynaha DDSI iyo waftigan balaadhan ee uu hogaaminayo ayaa kulanka kadib uqaybiyay bulshada ku dhaqan magaalada dhanaan raashin, biyo calafka xoolaha, dawada dadka iyo ta duunyadba.. Iyagoo magaalada dhanaan ooga ambabaxay dhinaca degmada garbo ee gobolka nogob, Waxayna intii ay dhexda kusii jireen sii mareen tuulooyinka Shiniile, Burqayar iyo higlaalabiir oo ay uqaybinayeen raashin, biyo calafka xoolaha, dawada dadka iyo ta duunyadba. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigan balaadhan ee uu hogaaminayo ayaa usoo dheelmaday degmada garbo ee gobolka nogob oo ay wakhti xaadirkan ku sugan yihiin.