Tababar Uu Soo Agaasimay Xafiiska Horumarinta Beeraha Iyo Khayraadka Dabiiciga Ah DDSI Oo Loo Qabtay Xirfadlayaasha Iibka Iyo Xisaabaadka PSNP

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 22ka April 2017. Tababar kor loogu qaadayay garaadka aqooneed ee kuwajahan bayaanka, Nidaamka iyo hagaha iibka mashruuca PSNP islamarkaana ay kasoo qaybgaleen dhamaan xirfadlayaasha iibka iyo xisaabaadka heer deegaan ee 31 degmo uu ka howlgalo mashruucu ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI.

Hadaba tababarkan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay agaasinka daamaanad qaadka cuntada ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI ahna kusimaha Wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI mudane Lubi Axmed Kaariye oo sheegay inuu tababarkan yahay mid kor loogu qaadayay garaadka aqooneed ee kuwajahan bayaanka, Nidaamka iyo hagaha iibka  ee xirfadlayaasha iibka iyo xisaabaadka heer deegaan ee mashruuca PSNP islamarkaana ay tababarkan casharadiisa bixinayaan xirfadlayaal ka socday wasaarada beeeraha JDFI iyo bangiga aduunka. Wuxuuna agaasinku intaa ku daray in tababarkan loogu talagalay in lagaga gudbo caqabadaha la xidhiidha aqoonta xirfadeed ee ay shaqaalahani uleeyihiiin iibka mashruuca.

Ugudanbayna wuxuu masuulku xusay in tababarkani socondoono mudo 4 cisho ah islamarkaana loo baahan yahay in sidii loogu talagalay uqaadataan cashirka mudada uu tababarku socdo maadaama uu tababarkani yahay mid muhiim ah oo wax kabadli doona garaadka aqooneed eed uleedihiin nidaamka hagaha iibka ee mashruuca shabakada badbaadada waxsoosaarka PSNP.