Xuska Maalinta Cidhibtirka Gudniinka Fir-cooniga Ah Oo Si Heer Qaran Ah Loogu Xusya jigjiga.

Jigjiga,(cakaaranews),sabti, 22ka April, 2017. Waxaa, maanta si heer qaran ah loogu xusay caasimada DDSI ee jigjiga  Munaasabada xuska  maalinta cidhibtirka  gudniinka fir-cooniga ah.

Munaasabadan oo sanadba  deegaan lagu xuso oo ay sanadkan marti galisay caasimada DDSI ee jigjiga oo si meeqaam sare ah loogu xusay madasha shirarka ee SMCX ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socday heer fadaraal oo ay hogaaminasay wasiiru dawlaha wasaarada arimaha haweenka iyo caruurta JDFI marwo Businash Masarat, masuuliyiin heer deegaan ah oo ay ka mid tahay  wasiirka arimaha haweenka iyo caruurta ee DDSI marwo Raxma Suuldaan Maxamuud Haybe, wasiirada xafiisyada arimaha haweenka iyo caruurta ee deegaanada Ganbeela, Binushaangul, Canfarta Hararida iyo ismaamulka magaalada deridhawa,, odayaasha, culimo awdiinka deegaanka iyo marti sharaf kale.

Waxaana furitaankii munaasabadan ka hadashay wasiirka arimaha haweenka iyo caruurta DDSI marwo Raxma Suuldaan Maxamuud Haybe oo ka warbixisay ahmiyada ay leedahay munaasabadan xuska maalinta cidhibtirka gudniinka fircooniga oo si heer qaran ah maanta loogu xusayo caasimada DDSI ee jigjiga . wasiirka ayaa tilmaantay in sanadihii ugu danbeeyay guulo waawayn laga soo hooyay cidhibtirka gudniinka fir-cooniga  iyo guurka deg-dega ah ee hablaha, waxayna intaasi ku dartay wasiiradu in xuska maalintan tahay mid lagu soo bandhigo khibrad wadaag iyo aqoon iswaydaarsi ay deegaanadu ku lafa gurayaan  sidii loo cidhibtirilahaa gudniinka fircooniga ah iyo guurka deg dega ah si loogu guulaysta yoolka ah in dhamaan deegaanada dalka laga cidhibtiro gudniinka fircooniga ah oo dhibaatooyin badan oo dhinaca caafimaadka ah  ku hay jiray hablaha.

Sidoo kale Waxaa dhankeeda ka hadashay munaasabadan wasiiru dawlaha wasaarada arimaha haweenka iyo caruurta JDFI marwo businash masarat oo ugu horayntii u mahad celisay xukuumada DDSI gaar ahaan xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta DDSI  ee suurta galiyay in munaasabadan si qurux badan loogu qabto caasimada DDSI. wasiiru dawlaha ayaa si qoto dheer uga warbixisay dadaalada dalka iyo deegaanadu ugu jiraan sidii loo cidhibtirilahaa gudniinka fircooniga. Waxayna sheegay wasiirku in guud ahaanba sanadihii ugu danbeeyay guulo wax ku ool ah laga soo hooyay cidhibtirkiisa.

 

Intii ay munaasabadani socoday ayaa waxay  ardayda waxka barata dugsiyada maamulka magaalada jigjiga iyo kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI ku soo bandhigayeen riwaayado iyo heeso ka turjimaya dhibaatooyinka ay hablaha u gaysto  gudniinka fir-cooniga ah.