Shirwaynihii 7Aad Ee Tayada Waxbarashada Jaamacadaha Dalka Oo Ka furmay jigjiga.

Jigjiga,(cakaaranews), sabti, 22ka April, 2017. waxaa ka furmay caasimada DDSI ee magaalada jigjiga gaar ahaan hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan  shirwaynihii 7aad ee tayada  iyo horumarinta waxbarashada jaamacadaha dalka.

Shirwaynahan waxbarashada jaamacada dalka oo ay sanadba marti galiso mid ka mid ah jaamacadaha dalka ayaa waxa sanadkan marigalisay  jaamacada jigjiga waxaana ka soo qaybgalay dhamaan madaxwayneyaasha jaamacadaha dalka, oo uu ka mid yahay madaxwaynaha jaamacada jigjiga mudane Dr cabdicasiis ibraahin, masuuliyiin ka socday wasaarada waxbarashada JDFI, masuuliyiinta  xafiisyada waxbarashada  deegaanada dalka  oo uu ka mid yahay wasiirka waxbarashada DDSI mudane Ibraahin Aadan Mahad iyo masuuliyiin ka socday hay’adaha caalamiga ah ee bah-wadaagta la ah wasaarada waxbarashada JDFI iyo xafiisyada waxbarashada deegaanada dalka.

Waxaana, furitaankii shirkan ka hadlay madaxwaynaha jaamacada jigjiga mudane Dr Cabdicasiis Ibraahin oo sharax dheerka bixiyay ahmiyada uu shirkani leeyahay isaga oo sheegay in uu shirkani yahay kii 7aad oo sanadba ay martigaliso mid ka mid ah jaamacadaha dalka kaasi oo lagaga hadlo sidii loo xoojin lahaa loona horumarin lahaa tayada waxbarashada jaamacadaha dalka. madaxwaynaha jaamacada jigjiga ayaa intaasi ku daray in sanadihii ugu danbeeyay guulo waawayn laga gaadhay dhinaca tayada waxbarashada jaamacadaha dalka isaga oo gaar ahaan ka warbixiyay  in jaamacadada jigjiga ay  deegaanka soomalida itoobiya gobolkasta iyo degmooyinka ay  gaadhsiiyay tayada waxbarashada jaamacada jigjiga.

Shirwaynahan 7aad ee tayada iyo horumarinta waxbarashada jaamacadaha dalka oo muddo 2maalmood ah ka sii socondoona hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan ayaa waxa lagu soo bandhigidoonaa daraasaad iyo cilmibaadhis ay sameeyeen jaamacadaha dalku oo  ku saabsan hirgalinta iyo ka midho dhalinta yoolasha iyo istaraatajiyadaha  waxbarashada jaamacadaha dalka.