Kulan hoos loogu Dhaadhicinayay Hirgalinta Heshiiskii Labada Deegaan Oo ka Dhacay Deridhawa.

Diridhawa,(cakaaranews) Arbaca, 26ka April, 2017. Dhawaan ayay ahayd markii heshiis  laga  gaadhay soo afjarida khilaafkii hore uga jirayay xuduuda  u dhaxaysa deegaanka soomalida itoobiya iyo deegaanka oromiya.

Haddaba, waxaa maanta ka furmay magaalada diridhawa kulan balaadhan  oo ay ujeedadiisu tahay sidii loo dhaadhicin lahaa ilaa heer tuulo  hirgalinta heshiiskaasi  dhawaan lagu saxeexay caasimada dalka ee Adisababa.  Waxaana ka soo qaybgalay kulankaasi masuuliyiinta ugu saraysa labada deegaan oo ay ka mid yihiin madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Madaxwaynaha deegaanka oromiya mudane Lemma Megersa, odayaal dhaqameedka labada deegaan masuuliyiin ka socday wasaarada arimaha faderaalka, saraakiil ka socotay hay’adaha  amniga dalka, iyo saraakiil ka socotay hay’adaha amniga labada deegaan.

Kulankaasi oo lagu soo bandhigayay nuruxka heshiiskii ay dhawaan saxeexeen labada madaxwayne iyo meelmarintiis ayaa madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ka hadlay kulankaasi waxa uu   sheegay in uu heshiiskani  yahay  mid waxtar wayn u leh labada shacab ee walaalaha ah, nabad kuwada noolaanshaha labada deegaan , Iskaashiga iyo wada shaqaynta labada deegaan islamarkaana uu kulankani yahay mid hoos loogu dhaadhicinayo taaba galinta iyo meel-marinta heshiiska   ilaa heer tuulo.

Dhinaca kale madaxwaynaha deegaanka oromiya mudane Lemma Megesra oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in heshiiskani yahay mid soo afjaray dhibaatooyinkii hore uga taagnaa xuduuda labada deegaan  iyo shacabka walaalaha ah ee wada daga xuduuda dheer ee u dhaxaysa labada deegaan isaga oo ka warbixiyay ahmiyada balaadhan ee uu leeyahay hirgalinta heshiiskani iyo sidii siwada jir ah loo meelmarin lahaa 

Dhankooda odayaal dhaqameedkii ka socday labada deegaan  ayaa si qoto dheer u soo dhaweeyay heshiiskan taariikhiga ah ee xalka  waara lagaga  gaadhay dhibaatooyinkii hore uga  dhexeeyay shacabka  walaalaha ah  waxayna sheegeen in ay si mug leh u xoojinayaan dhaadhicinta iyo  hirgalinta  heshiiskan. Odayaasha labada deegaan  ayaa si qoto dheer   ugu mahad celiyay dawlada  faderaalka iyo hogaaminta deegaanka somalida iyo oromada gaar ahaan madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo madaxwaynaha deegaanka oromiya mudane lemma  ee  saxeexay heshiiskan dhaxal galka ah.