Ciidanka Difaaca Qaranka Dalkeena Qaybtiisa Qoraxay Oo Deeq Raashin iyo Booyado Biyo Ah Gaadhsiiyay Senterka Ceelbakool

Qabridahar(cakaaranews)Arbaco 26ka April 2017.  Ciidanka difaaca qaranka ee fadhigiisu yahay magaalada q/dahar ee gobolka qoraxay ee kiflidoorka 2aad ayaa deeq raashin ah  iyo booyado biyo ah gaadhsiiyay bulshada kudhaqan senterka ceel bakool ee hoosyimaada degmada qabridahar.

Hadaba, deeqdan raashinka ah oo isugujirta bariis, sonkor iyo boorash iyo waliba booyado biyaha ayaa  ah mid ay ciidanku kasoo jareen mushaarkooda bilaha ah islamarkaana ay kaga qaybqaadanayaan dadaalada balaadhan ee aan lookala hadhin ee kuwajahan samatobixinta bulshada deegaanka ee ay samaysay isbadalka cimilada aduunka ee roobyaraanta keenay.

Sikastaba ha ahaatee, Gudoomiyaha Gobolka Qoraxey mudane Yuusuf Aadan Yuusuf iyo bulshadii deeqdan lagaadhsiiyay ayaa uga mahadceliyay sida quruxda badan ee deeqdan u soogaadhsiiyeen ciidamada difaaca qaranku islamarkaana ay ugu qaybiyeen. Waxayna tilmaameen in ay mararkale oo kalduwana ay ciidamadu soogaadhsiiyaan deeqo raashin ah.