CIID MUBAARAK



 

      

Tababar Ku Saabsan Maaraynta Cudurada Dilaaca Oo La Soo Gabagabeeyay.

Jigjiga(Cakaaranews) Jumce 28ka April 2017. Waxaa hoolka shirarka ee xafiiska caafimaadka DDSI lagu soo gabagabeeyay tababar muddo 15 maalmood ah u socday xubno ka socday cusbitaalada, qaarka mid ah xarumaha caafimaadka, rugaha caafimaadka iyo macahadyada waxbarashada caafimaadka ee deegaanka.Tababarkan oo ay ujeedadiisu ahayd sidii xubnahan fahan buuxa looga siin lahaa nidaamka maaraynta iyo ka hortaga cudurada dilaaca gaar ahaan cudurka shuban biyoodka soo xidhitaankiisii ka soo qaybgalay masuuliyiinta xafiiska caafimaadka iyo masuuliyiinka socday hayada ay bahwadaagta yihiin xafiiska.

Hadaba  xidhitaankii tababarkan ayaa waxaana ka hadlay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali oo ka warbixiayay ahmiyada iyo ujeedooyinkii tababarka isaga oo sheegay in uu qayb ka yahay dadaalka loogu jira kor u qaaditaanka iyo xaqiijinta tayada adeegyada caafimaadka gaar ahaan xoojinta dhinaca maaraynta iyo ka hortaga cudurada dilaaca wuxuuna kula dar-daarmay tababartayaashan in ay sidii loogu talagalay u hirgaliyaan kana hirgaliyaan cusbitaalada, xarumaha caafimaadka iyo rugaha caafimaadka ee ay ka socdaan.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah tababar qaatayaasha oo sheegay inay waxbadan ka fahmeen mudadii uu tababarkani socday islamarkaana ay sidii loogu talagalay uga hirgalin doonaan cusbitaaladii iyo rugihii  caafimaad ay ka socdeen.