CIID MUBAARAK



 

      

Xuska 7aad Ee Todobaadka Forumka Magaalooyinka Dalka Oo Si Rasmiya Uga Furmay Magaalada Gondher.

Gondher,(cakaaranews), Axad, 30ka April , 2017. Waxaa maanta  si rasmiya  ugu furmay magaalad gondher ee degaanka axmaarada  xuskii  7aad ee todobaadka forumka  magaalooyinka dalka oo ay sanadkan martigalinayso magaalada Gondher.

 Furitaankii xuskan ayaa waxaa ka soo  qaybglay masuuliyiinta ugu saraysa dalka   oo ay ka mid yihiin madaxwaynaha JDFI Mudane Dr  Mulatu  Teshome, Raysilwasaare ku xigeenka JDFI mudane  Dhamaqe mukonon,  wasiirka wasaarada horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta  JDFI  mudane Dr Ambachaw Mukonon, afhayeenka golaha wakiilada shacabka  JDFI mudane   Abadhule Gamadhu, madaxwaynaha deegaanka axmaarada  mudane Gedu Andargachew  iyo masuuliyiin ka kala socoday 230 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalka oo ka qaybgalaya xuskan 7aad ee forumka  todobaadka  magaalooyinka dalka.

Xuskan  oo sanadkan halku  dhig looga dhigay" horumarka waara iyo maamulka suuban ee magaalooyinkeenu waa dib u curashadeena" ayaa waxaa si rasmiya   furay  madaxwaynaha JDFI  mudane dr mulatu Teshome  isaga oo sheegay in uu aad ugu  faraxsan yahay xuska todobaadka fooramka magaalooyinka dalka madaxwaynaha ayaa ka  ka warbixiyay dadaalka xoogan ee ay  dawlada dhexe u gashay hirgalinta siyaasadaha sagtarka  horumarinta  magaalooyinka  dalkeena taasi oo kor loo qaatay isku dheeli tirka horumarka magaalooyinka iyo wax soo saarka beeralayda iyo xoolo dhaqato beeralayda iyada oo dalka itoobiya dajistay siyaasado  lagu rabo ka mid noqoshada  wadamada dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay   si taasi loogu guulaystana uu  sagtarka horumarinta  magaalooyinka dalku la rabo in uu noqto mid xooga saara  nidaamka wax soo saarka warshadaha islamarkaana ay magaalooyinka dalku noqdaan kuwo  goobo  fursado  shaqo u abuuraya  muwadiniinta dalka.

Dhankiisa wasiirka wasaarada horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta JDFI  mudane Dr Ambachaw mokonnen oo ugu horayntii  u hambalyeeyay magaalooyinka dalka ee ka soo qaybgalay xuskan todobaadka foomarka magaalooyinka dalka ayaa  ayaa  sheegay in xuskani    yahay mid ahmiyada wayn u leh horumarinta magaalooyinka dalka  wasiirka ayaa ka warbixiayay sida wax looga qabtay qorshihii horumarinta sagtarka  magaalooyinka talka isaga oo  tilamaamay  in xuskani yahay mid looga goleeyay  in magaalooyinka dalka isku dhaafsataan aqoon iswaydaarsi  khibrad wadaag  islamarkaana  lagu gorfeeyo falanqaynta  siyaasadaha horumarinta magaalooyinka  dalkeena u dajisan.

Ugu danbayntii xuskan todobaadka magaalooyinka dalka oo si qurux badan uga furmay magaalada gondher  ayaa waxaa deegaanka soomalida itoobiya  uga qaybgalay 6 maamul magaalo ee DDSI  iyo 24 magaalo oo laga soo kala xulay 11ka gobol ee DDSI  waana tiradii ugu badnayd ee sanadkan ka qaybgasha xuska todobaadka fomarka  magaalooyinka  dalka taasi oo ku tusinaysa in deegaanka soomalida itoobiya xooga saaray hirgalinta qorshayaasha horumarinta magaalooyinka deegaanka waxayna inta uu socdo xuskani ku soo bandhigidoonaana waxqabadka magaalooyinka deegaanka iyo guulaha laga soo hooyay qorshayaasha u dajisan horumarinta magaalooyinka.