Kulan Lagaga Hadlayay Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha oo ka dhacay jigjiga

Jigjiga,(cakaaranews), Isniin, 1da, May , 2017 Waxaa ka dhacay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka  DDSI kulan ay ujeedadiisu tahay sidii loo sii xoojin lahaa tayada xaqiijinta xirfadlayaasha islamarkaana loo gorfayn lahaa geedi socodyada tayada imtixaanka  ardayda ka soo qalinjabisa kuliyadaha waxbarashada  deegaanka  dhinacooda fiican dhinaca ay ka liitaan iyo sidii loo  dhisilahaa gudiyada  qiimaynta xaqiijinta tayada xirfadlayaasha(( Panel Assessors).

Kulankaasi oo ay soo  diyaarisay xarunta xaqiijinta tayada xirfadlayaasha DDSI oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta xarunta xaqiijinta tayada xirfadlayaasha DDSI  ayaa loo qabtay xubno ka kala socda xafiisyada ay ka mid yihiin xafiiska caafimaadka, beeraha, xafiiska  horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI, xafiiska maaliyada mm jigjiga iyo xubno  ka socday shirkado gaar loo leeyahay.

Waxaana furitaankii kulankaasi ka hadlay maareeyaha xarunta xaqiijinta tayada xirfadlayaasha DDSI mudane Mubaarak Axmed oo sheegay in ujeedada kulankani tahay mid lagaga hadlayo sidii loo xoojin lahaa nidaamka tayada xaqiijinta xirfadlayaasha iyo sidii ay sagtarada kala duwan ee ka soo qaybgalay kulankani  kaalinta kaga aadan uga qaadan lahaayeen. Maareeyaha ayaa intaasi ku daray in kulankan lagu dhisidoona gudiga qiimaynta tayada xirfadlayaasha  kuwaasi  oo u kuurgalidoona tayada geedi socodka imtixaanada laga qaadayo  ardayda ka soo baxda kuliyada deegaanka ee  la xaqiijinayo tayada waxbarashadood iyo goobaha lagu qaadayo imtixaanaadka.

Gabagabadii kulankaasi  waxaa lagu doortay gudiga qiimaynta xaqiijinta tayada xirfadalyaasha  oo kuwaasi  oo  u kuurgalidoona geedi socodka tayada imtixaanaadka ardayda.