CIID MUBAARAK



 

      

Deeq Caafimaad Oo Ay DDSI Gaadhsiisay Markii 3aad Magaalada Buuhoodle Ee Dalka Aan Dariska Nahay.

Buuhoodle(Cakaaranews) Isniin 1da May 2017. Dalkeena itoobiya oo taariikh ahaanba horay loogu yaqiinay/loogana bartay u danqashada iyo u kaalmaynta walaaladooda ku nool dalalka Africa, ayaa jawaab deg-deg ah ka bixiyay masiibadii ama dhibaatadii caafimaad daro ee lasoo daristay bulshada ku nool deegaanka Buuhoodle, isagoo udiray; dhakhaatiir, daawooyin iyo agab/qalab caafimaad oo kaladuwan, maalmo kadibna udiray Raashin tira badan.

 

Hadaba deeqdan daawada ah ee maanta lagu wareejiyay maamulka cusbitaalka Daryeel ee magaalada Buuhoodle oo iskugu jirta dawooyinka iyo qalabka caafimaadka taasi oo noqonaysa gargaarkii 3aad ee ay gaadhsiiso xukuumada DDSI cusbitaalka Daryeel oo maanta loogu adeegayo ama lagu daawaynayo 295 bukaan oo uu haleelay cudurka shuban-biyoodku.

Deeqdan deegaankeenu gaadhsiiyay bulshada Buuhoodle ayaa hadii lacag loo badalo noqonaysa aduun lacageed oo aad u tiro badan taasoo ayna awoodi karin in ay iska bixiyaan bulshada ku nool buuhoodle ee ay abaarta iyo cuduradu saameeyeen.

Dhankooda deegaanka buuhoodle ayaa si wayn looga soo dhoweeyay gurmadkan balaadhan, maadaama uu si muuqda/ la arki karo wax uga badalay xaaladii cakirnayd ee haysatay bulshada buuhoodle.Bulshada reer Buuhoodle ayaa waxay maanta naga cod sadeen in aan fariin mahad-naq ah iyo abaal aan la'gudi karin ka gaadhsiino XDSHSI ee uu hormuudka uyahay MW DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyagoo sheegay isaga la'aanti in ayna tani dhacdeen  iyo sida deg-dega ah ee ay ugu soo gurmatay xukuumadu.