Kulan ku Saabsan Dar-dargalinta Shaqooyinka Oo Ka Dhacay MM Wajaale.

wajaale,(cakaaranews)Talaado,2da, May, 2017. Waxaa ka dhacay hoolka shirarka ee maamulka magaalada tog-wajaale kulan ay ujeedadiisu tahay sidii kor loogu qaadilahaa tayada adeeg bixinta la gaadhsiinayo bulshada.

kulankaasi waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta iyo shaqaalaha maamulka magaalada tog wajaale waxaana furitaankiisii ka hadlay maayorka maamulka magaalada tog-wajaale mudane Maxamuud Cabdi Muxumed oo warbixiyay dadaalka ay xukuumada DDSI ugu jirto taaba galinta qorshayaasha horumarineed taasina ay sal u tahay in xooga la saaro tayada adeegyada la gaadhsiinayo bulshada, wuxuuna maayorku si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka kulankaasi  oo ah sidii ay  shaqaalaha maamulka magaalada tog wajaale u dar-dargalin lahaayeen shaqooyinka iyo adeegyada loo hayo bulshada.

 

Dhankooda shaqaalaha ka soo qaybgalay kulankaasi ayaa sheegay in ay xooga saaridoonaan sidii shacabka loo gaadhsiin lahaa adeegyo deg deg ah oo leh tayo iyo  xushmada si looga midho dhaliyo yoolasha horumarineed ee la hiigsanayo.