Mas’uuliyiinta Ugu Saraysa Dalka Oo Garoonka Caaalamiga Ee Bole Kusoo Dhaweeyay Madaxwaynaha Dalka Somaaliya.

Addisababa(Cakaaranews) Arbaco 3da May 2017.  Mas’uuliyiinta ugu saraysa dalka oo uu ka mid yahay Raisal-wasaaraha JDFI mudane Hailemariam Desalegn oo uu wehelinayo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa si meeqaam sare ah ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee bole ee caasimada dalka madaxwaynaha dalka somaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo booqasho shaqo ku soo gaadhay dalkeena itoobiya. soo dhawaynta ayaa dhinaca kale waxaa ku wehelinayay masuuliyiinta kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI oo ciyaaro dhaqameedka ku soo dhaweeyay madaxwaynaha dalka soomaliya mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo waxaana la filayaa inta uu joogo madaxwaynaha dalka soomaliya in uu kulamo lagu sii xoojinaya xidhiidhka labada dal la yeesho masuuliyiinta ugu saraysa dalkeena itoobiya