Bangiga Ganacsiga Dalkeena Itoobiya Oo Lagu Wareejiyay Dhul Uu Ka Dhisayo Xarun Caafimaad

Jigjiga,(cakaaranews), Arbaca,3da May, 2017.Masuuliyiinta maamulka magaalada jigjiga  iyo masuuliyiinta xafiiska caafimaadka DDSI ayaa ku wareejiyay masuuliyiin ka socotay  bangiga  ganacsiga dalkeena itoobiya  dhul  dhan 3,000 oo kaaraamitir oo uu  bangigu  ka dhisayo xarun caafimaad oo laga hirgalinayo xaafada 17aad ee maamulka magaalada jigjiga. Taasi oo  munaasabadii lagula kala wareegayay dhulkan  ay  ka soo qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali, ku simaha maayorka maamulka magaalada jigjiga ahna maareeyaha maamulka magaalada jigjiga mudane Fadxi Shugri  iyo masuuliyiinta bangiga ganacsiga itoobiya laantiisa jigjiga iyo deridhawa.

Waxaana warbaahinta DDSI la hadlay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane xasan ismaaciil cali iyo ku simaha maayorka maamulka magaalada jigjiga ahna maareeyaha maamulka magaalada jigjiga mudane fadxi shugri kuwaasi oo ugu horayntii u mahad celiyay bangiga ganacsiga dalkeena itoobiya oo ka qayb-qaadanaya hawlaha horumarka bulshada waxayna ka warbixiyeen ahmiyada ay xaruntan caafimaad u yeelandoona bulshada ku dhaqan xaafada 17aad ee maamulka magaalada jigjiga waxayna intaasi ku dareen in  ay xaruntan caafimaad ee uu hirgalinayo bangiga ganacsiga itoobiya in ay adeeg caafimaad siintoonto bulshada ku dhaqan xaafada 17aad ee maamulka magaalada jigjiga..

Dhankooda masuuliyiinta bangiga ganacsiga itoobiya laanta jigjiga iyo deridhawa oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu bangiga ganacsiga dalkeena itoobiya ka qayb-qaadanayo hirgalinta qorshayaasha horumarineed waxayna sheegeen in xaruntan caafimaad ee maanta lagu wareejiyay dhulkii laga dhisilahaa ay ku soo gabagabaynayaan muddo aad u kooban si ay xaruntu u bixiso adeeg caafimaad bulshada.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan xaafada 17aad ee maamulka magaalada jigjiga ayaa siwayn u soo dhaweeyay xarunta caafimaad ee loo dhisayo, waxayna u mahad celiyeen bangiga ganacsiga itoobiya iyo xukuumada DDSI.