CIID MUBAARAK



 

      

Rajmantiga 15aad ee Ciidanka Gaarka Ah Oo Deeq Raashin Ah Gaadhsiiyay Senterka Bashuuro

Yaxoob(cakaaranews)Jumce 5ta May 2017. Rajmantiga 15aad ee Ciidanka gaarka ah ee kahawlgala qaarkamid ah degmooyinka gobolka erer ee fiiq, sagag iyo yaxoob ayaa deeq raashin ah oo isugujirta Bariis, Baasto Saliid, sonkor iyo bustayaal gaadhsiiyay bulshada kudhaqan qabalaha bashuuro ee katirsan degmada yaxoob ee Gobolka Erer. deeqdaas oo ay ciidanku kasoojareen mushaarkooda.

Hadaba, Gudoomiyaha Gobolka Erer mudane Axmed shuun Sugule iyo Taliyaha Rajmantiga 15aad ee Ciidanka Gaarka ah mudane Mataan Feetin Xasan oo goobjoog ka ahaa qaybinta deeqdan ayaa warbaahinta deegaanka lahadlay oo sheegay in deeqdan raashinka ahi ay si is xilqaan leh oo wadaniyadi kujirto ay ciidanka gaarka ahi usoogaadhsiiyeen bulshadooda ay abaartu saamaysay ee kudhaqan centerka bashuuro ee katirsan degmada yaxoob. Waxayna xuseen in deeqdani ay kakoobantahay bariis, baasto, saliid, sonkor iyo bustayaal. Taasoo  ay ciidanka gaarka ahi mushaarkooda kasoojareen.

Dhankakale, bulshada deeqda lagaadhsiiyay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin islamarkaana ay aad ugu mahadcelinayaan ciidamada gaarka ah iyo waliba maamulka gobolka Erer. Waxayna tilmaameen in deeqdan lasoogaadhsiiyay ay tahay wakhti ay aad ugu baahnaayeen.

Sikastaba ha ahaatee, waxaa xusid mudan in deeqdani aysan ahayn markii ugu horaysay ee ay ciidamada gaarka ahi gaadhsiiyeen bulshada, waxayna mararbadan ooo kaladuwan gaadhsiiyeen deeqo noocan ah senterada degmooyinkaas.