Mashruuca UPSNP ee MMJ Oo Shaqo Abuur Usameeyay 5000 Oo Qof

Jigjiga(Cakaaranews) Jumce 5ta May 2017. Mashruuca kor uqaadida nolosha bulshada haynteedu liidato iyo damaanada qaadka cuntada(UPSNP) ee mmj ayaa si rasmi ah udaahfuray inuu shaqo abuur usameeyo bulsho dhan 5000 qof.

Hadaba munaasbadan lagu daahfurayay mashruucan oo ka dhacday xaafada 14 ee mmj ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiinta ugu saraysa mmj oo uu kamid yahay kusimaha maayarka mmj ahna maareeyaha mmj mudane Fadxi Shukri Axmed i iyo maareeyaha wakaalada hor-shirkadaha yaryar,kuwa-dhexe,shaqo abuurka iyo damaanad qaadka cuntada mmj mudane Cabdulaahi Cabdi Cilmi ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay kusimaha maayarka mmj ahna maareeyaha mmj mudane Fadxi Shukri Axmed oo sheegay in ay xukuumadu dadaal iyo juhdi badan galisay siduu mashruucan looga hirgalinlahaa mmj islamarkaana uu mashruucan waxbadan ka badali doono nolosha bulshada kafaaiidaysanaysa iyo waliba bilicda magaalada jigjiga. Wuxuuna masuulku intaa kudaray in loo baahan yahay in mashruucan looga faaiidaysto sidii loogu talagalay.

Dhanka kale waxaa isana munaasabadan ka hadlay  Maareeyaha Wakaalada Hor-Shirkadaha Yaryar, kuwa-dhexe, shaqo abuurka iyo damaanad-qaadka cuntada mudane Cabdulaahi Cabdi Cilmi oo sheegay inuu mashruucan wajigiisa 1aad ay kafaaiidaysanayaan 5000 qof oo ah dadka danyarta ah oo kamid ah 3 xafadood oo mmj ah islamarkaana ay wajigiisa 2aad kafaaiidaysan doonaan intaa in la eg oo dad ah, Wuxuuna maareeyu intaa kudaray inuu mashruucan uu daahfurkiisu kaalinta koobaad kagalay dalkeena, Sidoo kale wuxuu maareeyuhu xusay in 5000 ee qof lagu wareejiyay qalabkii ay ku shaqayn lahaayeen islamarkaana loo samaynayo nidaamka kaydsiga kaasoo bulshadana kadhigi doona kuwo heer gaadha.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah bulshadii kafaaiidaysanayay mashruucan oo sheegay inay aad uugu faraxsanyihiin camalkan loo sameeyay iyo qalabkan lagu wareejiyay islamarkaana ay faaiidaysan doonaan fursada shaqo ee ay ka heleen mashruucan.