Ramadan Kariim 



 

      

Xafiiska Waxbarashada DDSI OO Sheegay In Loo Diyaargaroowbay Imtixaanaadkii Heer Qaran

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 6da May 2017. Xafiiska waxabarashada DDSI ayaa sheegay ina dhamaan dalkeena itoobiya looga diyaargaroobay imtixaanaadka heer qaran ee fasalada 10 iyo 12 iyo 8aadba islamarkaana ay si habsimi leh ooga dhici donaan dhamaan dalkeena itoobiya.

Hadaba Wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo kawarbixiyay sida uu xafiiska waxbarashada DDSI oogu diyaargaroobay iyo waliba qaabka uu udhici doono imtixaanada kaladuwan ee fasalada 10aad,12aad, iyo 8aadka islamarkaana sheegay in nidaamyadii uu udhici lahaa  uu xafiisku dajiyay si uu imtixaanku u noqdo mid  tayaysan, Wuxuuna wasiirku intaa ku daray in sanadan 2009TI ay imtixaanka fasalka 10aad ufadhiisan doonaan in kabadan 15,000 oo arday halka imtixaanaadka fasalka 12aad ay ufadhiisan doonaan 9000, oo ardayda deegaankeena ah, Fasalka 8aadna ay ufadhiisan doonaan in kabadan 27,000 oo ardayda deegaankeena ah, Sidoo klae Wuxuu wasiirku xusay in imtixaanaadka heer qaran uu balaabmi doono bisha 9aad ee ginbood kuna bilaabmi doono fasalada 10aad, Iyadoo imtixaanaadka fasalada 10 ee deegaanku uu ka dhici doono 151 goobood oo deegaanka ah, Halka uu imtixaanka fasalada 12aad uu bilaabmi doono dhamaadka isla bisha ginbood oo ku began 28ka bisha ginbood wuxuuna ka qabsoomi doonaa 88 goobood.

Ugu danbayna wuxuu wasiirku sheegay in imtixaanka fasalada 8aad oo ah mid heer qaran ah uu isana bilaabmi doono 7da bisha sane isagoo socon doona ilaa 9ka bisha sane, Wuxuuna wasiirku intaa ku daray inuu imtixaanadka fasalada 8aad ay ka qabsoomi doonaan 487 goobood islamarkaana ay u fadhiisan doonaan in kabadan 27,000 oo ardadayda deegaanka ah. Wuxuuna wasiirku kula dardaarmay ardayda inay ka feejignaadaan waxyaabaha anshax xumada ah oo kow ka yahay qishka kaasoon lagu miisaami Karin aqoonta uu ardaygu leeyahay.