CIID MUBAARAK



 

      

Xuskii 7Aad Ee Todobaadka Kulanwaynaha Tartanka Magaalooyinka Dalka Oo La soo Gabagabeeyay.

Goondhar(cakaaranews),sabti, 6da May , 2017. Waxaa maanta si rasmiya loogu soo gabagabeeyay magaalada goondhar ee deegaanka axmaarada  xuskii 7aad ee todobaadka kulanwaynaha tartanka magaalooyinka dalka oo sanadkan ay martigalisay magaalad goondhar.

xuskan todobaadka kulanwaynaha tartanka magaalooyinka dalka oo labadii sanaba halmar lagu xuso mid ka mid ah  deegaanada dalka  ayaa waxa intii uu socaday  diirada lagu saarayay  qiimaynta barnaamiyada horumarka magaalooyinka waxaana laysku waydaar saday   khibrad wadaag aqoon  korodhsi  iyo soo bandhig dood cilmiyeed  ku qotoma horumarinta magaalooyinka  iyada oo dhinaca kale la soo bandhiyay carwo  bandhigeed ay magaalooyinku ku soo bandhigaan waxqabadkooda waxa ay magaalo kastaa caan ku tahay, waxaa  intii uu socday xuskan todobaadka magaalooyinku la cabirayay awooda fulineed ee magaalooyinka.

Haddaba, soo xidhitaankii xuska 7aad ee todobaadka magaalooyinka oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin sare oo ay ka mid ahaayeen Raysal-wasaare ku xigeenka JDFI  mudane Dhamaqe Mukonen iyo wasiirka wasaarada horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta JDFI mudane Ambachaw Mukonen  ayaa waxaa nooga warbixiyay waxyaabihii ka soo baxay xuskan  wasiir ku xigeenka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Axmed  Shugri  oo sheegay in uu xuskani sanadkan ay ku  tartamayeen 231 magaalo ah oo ka mid ah  magaalooyinka dalka  laguna tartamayay waxqabadka magaalooyinka.  wuxuuna sheegay wasiir ku xigeenku in dawlada   deegaanka soomalida  itoobiya  oo ay sanadkan ugu qayb-galeen xuskan  30 magaalo oo ay sideed magaalo tartanka Ka qaybgaleen  kuwaasi oo    kaalin   miisaan culus  ka galay kaalmaha hore ee tartanka magaalooyinka. Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in gabagabadii xuskii 7aad ee  todobaadka magaalooyinka lagu gudoonsiiyay abaalmarino, shirkadaha yar yar ee shaqo abuurka loo sameeyay, wakaaladaha iyo shirkadihii ka qayb-qaatay abuuritaanka ilaha shaqada dalka. wasiirka  ku xigeenka ayaa sheegay in deegaanka somalida itoobiya abaalmarino la gudoonsiiyay ilaa 5 shirkadood oo noqday hormuudka shirkadaha yar yar kuwaasi oo u  gudbay shirkadaha dhexe sidoo kale waxa abaalmarin la siiyay hay’adaha lacagaha yar yar ee DDSI iyo kuliyada farsamada xirfadaha ee jigjiga kuwaasi oo kaalin mug leh ka qaatay soo saaritaanka xirfadlayaasha iyo abuurida ilaha shaqada.

Wasiir ku xigeenka ayaa  dhinaca kale sheegay maamulka magaalada jigjiga oo tartan adag oo dhinac kasta leh la galay 10magaalo oo waawayn oo ku tartamayay martigalinta xuska 8aad ee todobaadka kulanwaynaha magalooyinka ay ku guulaysatay marigalinta xuska 8aad ee todobaadka magaalooyinka martigalintiisa magaalada jigjiga oo sanadka 2011TI  lagu xusitoono caasimada DDSI ee jigjiga, wasiir ku xigeenka ayaa intaasi ku daray in  maamulka magaalada goday ay kaalinta 1aad u gashay magaalooyinka ay la tartamasay  dhinaca dhinaca soo bandhiga  suuqgaynta(city marketing).